Markaad Tahay Shaqaale Dawladeed… – W/Q: Abdifatah Mohamed

Dawlada aad ayaa loo Dhaliilaa,Sidaasi oo kale mar haddii dawlada la dhaliilaayo waxa ay ka dhigan tahay in dadka u shaqeeya oo dhan Dhaliishu qabaneyso.Dawladu waa Dadka Shaqeynaaya.Shaqaalaha dawlada waa la neceb yahay,Dad badana wey ka duceystaan in ay Dawlada u shaqeeyaan.Dhalinyarta soo baxdana intooda badani waxa ay Fursado shaqo ka raadiyaan meel aan aheyn Xafiisyada Dawlada.Marka dawlada la soo hadal qaado Waxaad sawiraneysaa,Meel Mushahar yar,Shaqo yar,Musuqmaasuq,Laaluush ama Dhacdhac badan,Meel Mushaharku Habsaamo iwm.Marka dawlada la soo hadal qaado, waxaad Sawiraneysaa meel ay Joogaan dad waaweyn oo gaboobey isla markaasina aan Jecelyn wadanka in ay wax u qabtaan.70% Shaqaalaha dawladu waa Dadkii berigii hore oo Cajaladii Siyaad bare Ayey wada Liqeen oo ku Jirta.Geedaha gobolka waxa wada hoos hadhsanayaa waa Odoyaal Daaley oo soo Yara gaadha Wadada ugu buuqa badan gelinka hore ka danbena ugu  saxmada yar.

In Shaqaale Dawladeed la Noqdo ayaa ah Mid aduunyada kale laga Jecelyahay ama lagaga Faano,Fursadaha shaqada Dawlada Ayaana lagu Hamiyaa loona Tartamaa,Laakin wadankeena waxa la iska Ilaaliyaa waa Shaqooyinka Dawlada dad badana dib uga joogsadeen.20 Sano ka dib immisa Dhalinyar ah Ayaa ku biirtay ama u Shaqeysa Dawladeena oo Jecel,Tirada Odoyaasha waaweyn iyo Dhalinyarta Wasaaradaha u Shaqeysa marka la is barbardhigo Midkee Ayaa badan.Dhalinyartuse Shaqada Dawlada ma u arkaan Meel mustaqbal leh oo lala Joogo Mise waa Shaqo ku meel gaadh ah oo Mid kale lagu Raadsanaayo.Waa dhab Madax badan Ayaa madax xanuun ka qaadey Marka ay Arkaan waasaradahoodii oo aan laheyn Dhalinyar ama dad Aqoon leh oo kala Shaqeeya.Fursadaha Dhalinyarta qaarkood ku Haya wasaaradahana waxa ka mid ah Xilalka shaqo ee Haayaduhu ay maalgeliyaan Adiga oo Wasaarada iyo Haayada isku Xidhaaya halkaasina u Fadhiya.

1500 oo Shaqaale ah Marka Dawladu ay Tidhi waa in aanu Qaadanaa,Dhalinyartu ma doonaneysaa oo Ma rabtaa,Mise rag la keensan doono oo aan Xitaa dhalinyar aheyn Ayaa boosaskaasi buuxin doona.Dhinaca kale Dhalinyartu waxa ay aad u hungureyneysaa Boosaska lacagta badan ee Haayaduhu maalgeliyaan wasaaradana la Shaqeeya.1500 oo Dhalinyar ah haddii la helo ma La joogi doonaan Dawlada mise Ku meel gaadh ahaan Ayey ula Shaqeyn doonaan oo wey ka wada tagi,Markaasaa boosaskana dad Suuqa laga keenay ama Odoyaal lagu Buuxsan doonaa.1500 Shaqo u diyaar ahse ma la wada Helayaa.Shaqaalaha dawlada oo Xitaa qaarkood Socdaalo badan Yeelan doona.Shaqaalihii Hargeisa laga Qortey Ayaa berbera la geeyey Markaa Duruufo dhaqan dhaqaale Ayaa is barkanaya.

Inta badan waxaad Maqleysaa Ereyga Caagle ama Shaqaalaha Caaglaha ah. Maxaa looga Jeedaa Arintani ama Ereygani,Yaase loo Yaqaanaa.Ma aragtey Weli shaqaale aan kaba soo xaadirin Xafiiska,Laakin bishu marka ay Dhamaato soo Doonta lacag mushahar,Ma aragtey dad Shaqada ka tagey oo Haddana liiska Mushahar bixinta ku jira lagana saarin oo Lacagtooda dadka qaarkood ku qaataan.Ma aragtey Shaqaale aan Jirin oo la soo qorto Liisaska diiwaanka mushahar bixintana lagu darsado oo lacagtooda la leexsado.Ninka Lacag mushahar raba,Haddana aan shaqo u qabanin Xafiiska,Lacagta uu ka qaadanayaa Maxey diinta Islaamku ka qabtaa.Tirada Shaqaalaha Guud ee wasaarada ka hawl gal Qaarkood waa Dheeraad aan Meesha Joogin laakin lacagtoodu qoran tahay.

Dhinaca Mushahar bixinta marka aynu ka Eegno Dadku wuxuu ka la yahay A.B,C oo waa la kala lacag badan yahay.Ninka 10 sanno 6,00,000 ama 5,00,000 Qaadan Jirey,Reer iyo Gurina leh weliba ku kiro ah Miyey ku Filnaan kartaa.Malyan iyo Shan boqol,2 Milyan ama Milyan Dadka Qaarkood Ayaa qataa,Kuwo kalena 4 boqol ama 3 boqol oo Kun Ayey bishii u Xaadiraan.Kama hadlaayo Gunada is gaadhgaadha,Meesha waxa ku Jira Musuq,Maasuq,Dhacdhac,Laaluush iyo Lacag madax Furasho ah si arintaadu u socoto,Waxa ku Jira Seminaaro iyo Workshops badan oo laga Helo haayadaha caalamiga ah oo lagu kaabo Mushaharka dawlada,Waxa dhex socda Dilaalnimo,iyo in Mushahar laga helo qaar ka tirsan NGos iyada oo Wasaaradana laga shaqeynaayo.Mashruucyo la qaato iyo Xarumo loo furto Maalgelin Ayaan raga qaarkood kaga maarmeen mushaharka dawlada.Dhalinyartuna Gelinka danbe iyo Habeenkii ayey Shaqo kale oo ka Mushahar badan mida dawlada Raadsadaan.

Dhinaca Aqoonta,Shaqaalaha dawlada Dhab ahaantii waxa ku Jira dad badan oo Cilmi leh isla markaasina Jaamacado ka baxey dawladii horena u soo Shaqeeyey,iyada oo ay sidaasi tahay haddana Waxa maqan sidii Aqoontaasi loo hirgelin lahaa ama Casrigan loola Jaanqaadi lahaa qofkuna u kordhisan lahaa Aqoontisa.Odoyaal Cajaladu kaga bakhtidey 1980 Ayaa wax kasta raba in ay Amar  ka bixiyaan ama Maamulaan.Iyada oo Wasaaradaha iyo Shaqada ama xilalka Wasiirnimo ay Qabyaaladu dhex gashey Ayaa dad badan oo aan Waxbarasho fiican laheyn la qorey Wasaaradaha.Isbedelkii beriga Dhaweyd loo qaadey Dhinaca Imtixaanada Ayaana ah mid dhab ahaantii dad badan Fursado cusub siiyey,lagu dhacey,qaarkood ku baaseen,Kuwo cusubna lagu qaatey,Dad badan oo aan Shahaadaba heysanina ay ku baraarugeen.iyada oo ay sidaasi tahay Ayaa hadana shaqaalaha dawladu ay helaan tababaro iyo  Seminaaro la xidhiidha Shaqadooda.

Aduunyada dadka ugu Cilmiga badan Ayaa dawlada u shaqeeya,Dadka ugu daacad san Ayaa la soo xulaa.Wadankeenana kuwaasi waa la diidey ama iyaga ayaa iska diidey in ay galaan meel shaadh madoobe kaa dhigeysa.Siyaasiyiinta Aqoon iyo heykal dawladeed  aanu ka Muuqanin Ayaa lagu taxey Darajo iyo Xilal miidhan. In qabiil Shaqaalaha lagu qortaana waxa ay ka bilaabantey Dawlada wadankeena.Dadkeenu dhinacna Dawlada ayey ka weheshanayaan,Dhinacna ma Jecla oo ma rabaan.In wadanka loo Shaqeeyaa Miyaaney Ujeedada aynu u socono aheyn,Haa hase ahaate kuwani lalama Shaqeyn karo.Sidee ku  geli kartaa Habka maamulka iyo shaqada Dawlada.Maxaa igaga Xidhan Dawlada,Qandaraasyada iyo Xidhiidhada Siyaasadeed Yaa ku soo Dhameyn doona.

Tirada Dadka somaliland markaad eegto Boqolkiiba immisa Ayaa dadka Dawlada u shaqeeya kana Mushahar qaata,From Askariga To Macalinka ilaa Qofka wadhatada cashuurta ka soo qaada.Shaqaalaha Dawlada imisa Ayaa Muxaafid ah,Imisa  Ayaase mucaarid hoosta ka ah una Shaqeeya.Waa in aad  dawlada ku xidhnaata si wax kasta kugu fududaadan Ayaana dad badan run u ah.Dawlada  Gelinka hore Keliya u Shaqee ilaa 12 ama 11:30,iska tag Xafiiska wey yar tahay Wasaaradaha 2:00 Shaqada ka dhaadhacaa.

Maamulka oo gacanta kuugu Jira marka xil lagu dhiibo,ku amar ku taagleyn iyo Helida lacago badan Ayaa dadku u heystaan Dawlada in aad u shaqeyso.Xaq iyo Xuquuq badan ama hawlgab Ayeyna ku waayeen shaqaalihii tan iyo 91 ka soo Shaqeynaayey.Waxbarasho Bilaash ah ama Deeq waxbarasho Ayaana dad badani  ka heleen Dawlada. Isku soo wada Duub,Shaqaale dawladeed dad badan Ayaa ku helay Hanti,Dhul,Gaadhi,lacag iyo Magac Madow oo Siyaasadeysan.Dad Ayaa u arka Fursad laga soo geli karo ama laga baran karo Siyaasada wadanka oo Xilal iyo Jagooyin sare lagu gaadhi doono,Dad baa u arka meel aan waxba oolin oo lagu wada dhex gubanaayo.