MARKA MADAXWEYNUHU SALAADA ROOBDOONTA HOGAAMIYO ROOB BAA DI’I JIREY,MAXAA JIRA IMINKA?

Shaqaaqadii dhex martay ciidamada badda ee Somaliland iyo Jabuuti waxay kusoo dhamaatay gorgortan wanaagsan iyo guul.Qaabkii qaranimo ee madaxdu xilka isaga saartay waxay ahayd talaabo ku dayasho mudan,hambalyo Wasiir waran cade,Wasiir Buureed iyo Taliyaha ciidanmada Badda General Xiirane.Dadaalka xukuumada ee Gurmadka abaaruhuna waa mid lagu diirsaday.

Dhowrkii jeer ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaamiyey Salaada roobdoonta wixii ka horeeyey tii ugu dambeysey roob baa di’i jirey weliba roobabka qaarkood waxay curan jireen saacaddo gudahood.kuwa xaasidnimada iyo munaafaqnimadu isu raacday waxay odhan jireen Madaxtooyadu waxay la socotaa Saadaasha hawada oo sitilaaytka ayay kasoo arkeen.Dadka sidaa u hadli jirey Illaahay denbigooda inagu halaagi maayo oo wuu dulqaad iyo garasho badan yahay.Wax kale ma
jiraanne Illaah baan weli amrin inuu roob da’o.

janadii fardowsa Illaah haka waraabiyo marxuum Gaashaanle Casayr oo ahaa taliyihii ciidanka Bilayska ee gobolka Saaxil iyo marxuum Yuusuf Muuse oo isagana lagu diley magaalada Burco.markay arimahan xasaasiga ah oo kale yimaadaan shacabku ha muujiyaan deganaansho inta baadhitaaanku socdo,arintani waa shuqul dowladeed ma aha wax shacabka u yaal wax ka qabashadeeda.Indheer garadka iyo Salaadiinta  waxaa saaran waajib gooni ah oo looga baahan yahay inay gutaan marka ay arimo xasaasi ahi dhacaan sidan oo kale.Baadhitaanka ka dib waxaa soo baxaya maxsuul lagu qanco,hadiise lagu qanci waayo waxaa inoo banaan inaynu dareenkeena u muujino si nabadgelyo.

Dagaalkii labaad ee aduunka waxaa ku dhintay 55 Milyan oo shicib iyo ciidan isugu jira,qoladii dagaalka bilawday oo Jarmalka ahaa waxaa kaga dhintay 5 Milyan oo keli ah inta kale ee ku dhimatay waa la kaliifey,yaa ka baxsaday masiibadii dagaalka?Rag ciilkii cadaab ka doorey ma aha maahmaah cilmi ku dhisan laakiin waa wax dadka qaar yeelaan.

Marka haaddu socod deyso

Dhirta sare tukuu fuulo

Gorayadu sanqadha reebto

Adna soonka xidho maaha

Mugdi talada sii maaha

Berri iyo siday doonto

Sug cadceedda maqan maaha

Saqda dhexe habeen soocan

Gudcur simay adduunkeenna

Wax siraata noqo weeye

!Sirta nolosha iyo macalin Hadraawi!

Waxaa wanaagsanaan lahayd in Mujaahidka iyo Gudida Dan iyo Duco ay ku mashquulaan horumarinta gobolka Saaxil ee iyagoo shacabka u naxaya aanay wakhtiga kaga lumin ku jiqsii,gacmahooda ha dhigaan meel si wanaagsan looga arki karayo.

Halkan hoose ka daawo khudbadii ugu wacnayd,qaransanayd,waayeelsanayd,bislayd ee ugu shishlayd xiligan diiwaan gelinta.

 

Bashiir Tarabi Oogle,

bogleh69@gmail.com