Marka Dooda Diintu Kaa Tahay Kaaley Ila Muran.

 

3 nin oo Sucuudiga ka yimid ayaan raacey waxaana an tagney guri uu degenaa nin Sheekh Ismaaciil la yidhaa. Meeshu waa xamar anna ardey jaamacadda dhigta ayaan ahaa. Saddexda ninna jaad ayay cunayeen anna waan la yara taataabtey.

Dood ayaa furantey ah shiicadu muslim hagaagsan maaha. 3 da nin Sucuudiga ayey ka yimaadeeno waxa ay ka hadlayaan sheekh hebel wuxu yidhi Shiicadu waa gaalo. Hadalkii oo socda ayaa Salaadii Casar la eedaamey, markaasuu Sheekh Ismaaciil naga baxay oo uu masaajidka tegey oo uu soo tukadey. Wuxu noo soo noqdey iyada oo weli doodii socoto oo mid leeyahay sheecadu dhagax ayay ku tukataa oo diin ma heysato. Sheekh Ismaaciil oo la yaaban dadkan diinta ku murmaya een salaadna u kaceyn ayaa yidhi “waar bal ama dhagax ku tukada ama loox ku tukada oo dadka Muslimka ah ka hadha. Wuxu raaciyey ma dadkeenii looga fadhiyey iney gaalada soo muslimiyaan ayaa Muslimkii sii kala qeybinaya oo badhkood gaalo ku sheegaya. Orda meesha ka kaca oo tukada. Sheekh Ismaaciil ayaa yidhi inta dhagaxa ku tukaneysa iyo inta ciidda ku tukaneysa ee Islaamka ah haku mushquulina.

Marmarsiyihii ayaa bilaabmey ahaa aniga surwaalkaa iga wasakh ah iyo nadiif ma ihi. Sheekh Ismaaciil oo ah Sheekh caalim ah oo aad u fududeeya arimaha ayaa yidhi salaad la adimey ood kici weydey uunbaa u darane weligaa salaad loo dareeray haka hadhin dadka wasakh iyo wasakh la’aan.

Waa halkii Sheekh Ismaaciile, Diinta Islaamka in inagu filan oo an heshiis ku nahay ayaan ka naqaan, waana waxa ina mideeya. Hadana waxad arkeysaa murano diini ah oo dhinicii doonaa ha badiyo dooda e aan waxba laga dheefeyn oo sutida la isku hayo oo dhinac walbaa Far Soomaali iyo Far Carabi wax ku qorayo. Mid walbaa xaqa hala raaco ayuu leeyahay, xaqa uu sheegayaana waa doodiisa. Mid walbaana intuu quful isku soo dhuftay oo uu dhagaha fureystey ayuu odhanayaa doodda waa inaan ku kala faa’iideysanaa.

Dadkan intooda badan waa ka muran ee kamaa aha fidinta diinta iyo difaaceeda toona. Qaarkood markaad wall-kooda gasho eed eegto qoraaladooda siyaasadda iyo la dhaqanka bulshada ayaad odhaneysaa kuwani iyagaaba wax badanid ka maqanyihiin oo ama qabiil buunbuuninaya ama ceytan siyaasadeed ku hadlaya.

Islaamka iyo Soomaalinimada inan midna hoos u dhaafo ma jecli. Ama Salafi dheh ama Sheeco dheh ama Suufi dheh, ama Qaadiriya dheh ama Saalixiya dheh waa iskugu key mid. Soomaalinimadana halkaasaan ka joogaa oo iyada oo dawlado iyo maamulo kala duwan lakala yahay, hadana qofka Soomaaliga ihi isagaa igala sharaf sareeya qof kasta oo jinsi kale ah wuxu doono ha rumeysnaadee, inan hoos u sii fadhfadhana ma jecli. Diintana inaan caqligii qabiilka u adeegsado ma rabo oon idhaa madhabtaasina waa qalad, taa kalena waa sax.

Maxamed Cali Bile