Marjaceena Diimeed, Dhaqaale iyo Dhaqan Ma Sucuudiga & Dalalka Kale Ee Islaamka Ah Baa, Mise Waa Kitaabka Iyo Sunnada?

Marjaceena Diimeed, Dhaqaale iyo Dhaqan Ma Sucuudiga & Dalalka Kale Ee Islaamka Ah Baa, Mise Waa Kitaabka Iyo Sunnada?
Warbaahinta, gaar ahaan Social media-ha waxa ka socda doodo iyo aragtidooda ay ku soo bandhigaya dhallinyar iyo Aqoonyahan tiro badan oo taageerayaa XEERKA RIBBAWIGA AH ee Saaka Aqalka Wakiiladdu hakiyeen ‘Illaahay khayr ha siiye’. Raggaan oo iga mudan karaamo iyo sharaf waxa ay ku doodayaan SUCUUDIGA iyo dalalka kale ee Islaamka ayay ka jiraan BAANANKA RIBBAWIGA AHI, laakiin, su’aashaas cinwaanka ku qoran weli isma ay waydiin ayaan filayaa.
Midda labaad, SUDAN maxay ugu laangadhayn wayday, la’aanta Conventional banks, inta aan ogahay waa dalka keliya ee aan lahayn xeer iyo bangi ka ganacsada ribadda.
Waxa xaqiiqo ah in Boqortooyada Sucuudigu aanay hirgelin ama ansixin Xeer fasaxaya Baananka Ribbawiga ah, arrinta la isku-haystaana waa sharciyaynta oo noqonaysa arrin khatar ah oo la mid noqonaysa in sinada iyo khamriga sharci xalaalaynaya la ansixiyo.
Walaalayaal, haddii ay khaladaad samaynayaan Baananka Islaamiga ahi, yaan dalka iyo dadka khatar loo gelin ficiltankooda, ee waxa inala gudboon sixiddooda.
Tani waxa ay ka dhigan tahay, makhaayad SHAAHA “DHAKO-JABIYE” iibisa oo dadka ku qaaliyaysa, dabadeedna nin kale yidhaahdo waxa aan furayaa mid ka jaban, laakiin, Shaaha lagu xawaashaynayo in yar oo ‘KHAMRI AH’.
Billaa Calaykum, yaynaan MABAA’DIIDDEENA’ khatar gelinin!!! Oo AQOON fiican aynu u yeelano DIINTEENA SHARIIFKA AH.
WAAD MAHADSAN TIHIIN.
W/Q- Mustafe Aadan