Mareykanka Oo Sheegay In Dhawaan La Xidhi Doono Xabsiga Guantanamo bay

Guantanamo bayWashington, (SLpost)- Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay inuu gabo-gabo marayo qorshihii lagu xidhi lahaa xabsiga Cuba ku yaalla ee Guantanamo bay.

Xabsiga Guantanamo Bay oo sidoo kale loo yaqaano Gitmo waxaa loo adeegsan jiray in lagu xidho waxa loogu yeedho dagaalyahanada cadawga ah ee dagaalada Ciraaq iyo Afghanistan, iyada oo aan maxaabiista la maxkamadaynin.

Madaxwayne Obama ayaa amar ku bixiyay in la xidho saldhigaas maalintiisii koowaad ee uu madaxwaynaha noqday.

Laakiin aqalka Congress-ka ayaa diiday in maxaabiistaasi loo soo wareejiyo dalka Maraykanka walaac dhanka ammaanka ah oo ay ka qabaan awgeed.

Intaasi wixii ka dambeeyay in badan oo ka mid ah ayaa dib loogu celiyay dalalkii ay asal ahaan ka soo jeedeen inkasta oo weli qaar ka mid ah loo arko inay halis tahay siidayntoodu.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in qorshaha lagu xidhayo xabsigaasi uu gabogabo yahay iyada oo la marayo wadiiqo ammaan ah oo masuuliyadi ku jirto intaas ka dibna loo gudbin doono Congress-ka balse wax faahfaahin ah oo kale kamuu bixin arrintaas.

Source: BBC