Mareykanka Oo Ku Dhawaaqey In Uu Balaadhin Doono Hawl Galada Uu Ka Wado Mid Ka Mid Ah Dalalka Soomalida + [waa dalkee]

USA (SLPOST):- Xukuumada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la ballaadhinayo howl galadamilateri ee ay ka wado dalka Soomaaliya , hawl galadaas oo ka dhan ah xarakada Al-Shabaab kaasoo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.

No automatic alt text available.

Saraakiil ka tirsan waaxda Pentagong-ka Mareykanka ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee AP in la kordhinaayo howl galada milateri ee Soomaaliya, xilli uu sii kordhayo wal walka Mareykanka ka qabo kooxaha argagixisada.

 

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in arrinta ugu wa walka badan uu yahay Soomaaliya, isagoo xusay in awooda dheeraad ah la siin doono ciidanka Mareykanka ee fuliya howl galada gaarka ah.

Waxaa uu sheegay in howl galada ay noqon doonaan kuwo ka duwan sidii hore, isagoo xusay in ciidamada la siiyo awoodo dheeraad ah oo ay ciidanka qaranka Soomaaliya kula qaadi karaan howl galada.

Kordhinta awooda ciidamada ayaa qeyb ka noqon doona Ciidamo Mareykan ah oo loo diro Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan howl galada.

Illaa 50 askari oo ka tirsan Kumaandooska Mareykanka ayaa isku bed-bedela Soomaaliya, kuwaasoo howshooda tahay la talin iyo taageerid Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM