Mareykanka Oo Jabhaddaha Suuriya U Tabobaranaya Iska Caabinta Daacish

New York, (SLpost)- Milateriga Mareykanka ayaa bilaabay inuu tabobaro siiyo koox yar oo ka mid ah jabhaddaha Suuriya, waana dedaal uu dalkaasi ku doonayo inuu helo xoog ka hortaga kooxda Daacish.Ashton Carter

Xoghayaha difaaca dalka Mareykanka Ashton Carter ayaa sheegay in ka badan sagaashan qof lagu tabobaray meel uu ku tilmaamay ammaan.

Tabobaradan ayaa ka socda meelo ku yaalla waddamada Urdun, Turkiga iyo Sucuudiga. Waxa kale oo la rajaynayaa in ciidamo kale oo dheeri ah la tabobaro todobaadyada soo socda.

Aqalka gaashaan-dhiga ee Mareykanka Pentangon ayaa ka gaabsaday waqtiga ay u qorsheeyeen in ciidankaas uu dagaal galo.

Dalka Mareykanka ayaa qayb ka ahaa ilaa dabayaaqadii sannadkii hore is-bahaysi caalami ah oo duqeyn dhinaca cirka ah ku hayay kooxda Daacish oo si dhakhso dhul ka mid Ciraaq iyo Suuriya ula wareegtay.

Somalilandpost.net