Mareykanka oo cunaqabateyn saaray lix nin oo Al-Shabaab mu caawinooyin siiya

Washington(SLpost)- Dawlada Mareykanka ayaa maanta cunaqabateyn kusoo rogtay lix nin oo u kala dhashay dalalka Eritrea, Sudan iyo Kenya oo ay ku sheegtay in ay taageeraan Al Shabaab.

War laga soo saaray Xafiiska la socodka dhaqaalaha dadka ajnabiga ah ayaa lagu sheegay in cunaqabateyntan ay waajibineyso in la xayiro hantida lixdan ruux iyo sidoo kale in laga mamnuuco dhaq dhaqaaq kasto oo ganacsi oo Mareykanku lug ku leeyahay ama shaqsiyaadka ay la leeyihiin ganacsiga.Arintan waxa loogu sameeyey warbixintu leedahay in laga hor istaago in ay caawiyaan Al Shabab iyo Al qacida“Mareykanku wuxuu go’aan ku gaadhay inuu bartilmaameedsado kuwa mas’uulka ka ah dhiiga haatan ku qubanaya Soomaaliya iyo xasilooni la’aanta halkaasi ka jirta,” sidaa waxaa yidhi agaasimaha Xafiiska la socodka dhaqaalaha dadka ajnabiga ah Adam Szubin.

Xafiiskan ayaa magacaabay dadka la saaray cunaqabateyntan xaga dhaqaalaha ah kuwaasi oo kala ah kornal Eritrean ah oo la yidhaahdo  colonel Tewolde Habte Negash, waxa sarkaalkan oo ah nin ka tirsan sirdoonka Eritrea lagu sheegay inuu yahay nin dhaqaalo badan u gudbiya Shabab.

Waxaa kale oo lagu sheegaa inuu ahaa ninki ka danbeeyey in uu wanaagsanaado xidhiidhka Eritrea iyo ururka Al Shabaab sannadkii 2006, waxa sidoo kale uu ahaa maskaxdi ka danbeysay in hub looga keeno halkaasi kooxdan, isaga oo ku lug lahaa dhaqaalo la siiyey kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya tan iyo sannadkii 2004.”

Ninka kale ee isna kasoo jeedo Eritrea waa Col. Taeme Abraham Goitom, waxaa lagu sifeeyey inuu door weyn ka ciyaaray soo dhaweynti Ururkii Isbaheysiga Dib u-xoreynta Soomaaliya ee la dagaalamay dawlada KMG Soomaaliya.

Qofka saddexaad waa Suhayl Salim Abd-El-Rahman, oo lagu naaneeso Abu Faris, kaasi oo Mareykanku ku tilmaameen inuu yahay nin u dhashay dalka Sudan balse haatanba ku sugan Soomaaliya.

Waxa doorkiisu uu yahay sidii uu u maal gelin lahaa ajaanibta ka bar bar dagaalanka Al Shabaab ee rabta in ay aadaan Soomaaliya.

Raga kale waa Kenyan waxaana ay kala yihiin Aboud Rogo Mohammed, iyo wadaadka la yidhaahdo Omar Awadh Omar iyo Abubaker Shariff Ahmed oo lagu sheegay in ay yihiin rag muhiim ah isla markaana fududeeya dadka loo qoro Al -Shabaab.

Omar hada wuxuu ku xidhanyahay dalka Uganda isaga oo loo heysto doorki uu ka ciyaaray qaraxyadi Kampala 11-ki July 2011 xilli ay socdeen ciyaarihi aduunak  halkaas oo ay ku dhinteen 74 ruux.Maraykanka ayaa dhawaan madaxda al-shabaab duldhiggay qiimo lacageed.