Mareykanka Oo Baadhitaan Ku Bilaabay Madaxweynihii Is-casilay Ee Ururka FIFA

Washington, (SLpost)- Madaxweynihii ururka kubadda cagta adduunke ee FIFA, Sepp Blatter ee xalay is-ka casilay xilkaas, ka dib markii todobaadkan dib loogu doortay ayaa waxa baadhaya saraakiisha dalka Mareykanka sidii uu ugu lug lahaa musuqmaasuqa lagu eedeeyay Hay’adda sida ay warbaahinta Mareykanka ku warameen.FIFA

Warkan ayaa kusoo beegmay saacado ka dib markii uu ku dhawaaqay Mr Blatter inuu iska casilay xilkii mar shanaadka loo doortay ee ururka FIFA.

Dacwad oogeyaasha Mareykanka ayaa todobaadkii hore billaabay dembi baadhis ay ku sameynayaan 7 xubnood oo FIFA ka tirsan oo lagu xidhay Switzerland, laba maalmood ka dib xadhigaasi, Blatter waxaa loo doortay markale inuu noqdo madaxweynaha FIFA.

Si kastaba ha ahaatee, Mr. Blatter waxa uu sheegay inay u muuqato in guushiisa aanu qofkasta oo caalamka ku nooli aanu soo dhaweynayn, waxaanu xusay in FIFA ay u baahan tahay dibu habayn qoto dheer.

Somalilandpsot.net