Mareykanka Iyo Turkiga Oo Ka Shiraya Dagaal Ka Dhan Ah Kooxda Daacish

Washington, (SLpost)- Mareykanka ayaa xaqiijiyay in uu Turkiga wada-hadal kala leeyahay, sidii uu dalkaasi u xoojin lahaa duqaymaha ka dhanka ah ururka la magac baxay Khilaafada Islaamka, ee waqooyiga Suuriya.ISAfhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay, in ujeedadu tahay sameynta deegaan ka caagan dagaalyahannada Khilaafada Islaamka, si loo xoojiyo ammaanka soohdinta Turkiga, oo ay dib ugu laaban karaan qaxoontiga Suuriya.

Hore ayuu Mareykanku ubeeniyay warar sheegaya in uu ogolaaday duqeymaha Turkiga ee uu ku beegsaday xooggaga Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq.

Jabhadda Kurdiyiinta ee PKK, ayaa sheegtay in duqaymaha Turkigu ay yihiin kuwo muujinaya dagaalka ay xukuumadda Ankara ku hayso.