Mareykanka iyo Ruushka oo ka heshiiyay arrinta Suuriya

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegaya in ay isku raaceen Ruushka dedajinta sidii kala guur siyaasadeed looga gaari lahaa dalka Suuriya.

Waxa uu hadalkaasi sheegay kaddib markii uu kula kulmay Moscow, madaxweyne Putin.John Kerry waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Putin ay ku heshiiyeen in ay cadaadis ku saaraan madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad in uu daacad ka noqdo wadahadallada nabadda si colaadda sokeeye ee dalkaasi loo soo afjaro.

maraykanka

Waxa uu intaasi ku daray in ay ku heshiiyeen in bisha August ee sanadkan la dhiso qaab dhismeed lagu gaarayo kala guur siyaasadeed oo dalkaasi ka dhaca balse ma uusan caddeyn in madaxweyne Putin uu aqbalay in madaxweyne Asad uu xilka ka dego, arrintaasina ay qab ka noqoto kala guurka siyaasadeed.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa aad ugu baahan in ay ka faa’iideystaan xabbad joojinta socotay muddada bisha ah, taasi oo yareysay colaaddii ka socotay Suuriya, waxa ayna doonayaan in dowladda dalkaasi iyo mucaaradka ay si toos ah u wada hadlaan sida ugu dhakhsaha badan.

Dhanka kale, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura ayaa sheegaya in mowqif ahaan ay mideysan yihiin mucaaradka iyo dowladda dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in wareegan wadahadalka nabadda aysan jirin cid ka baxday ama caqabad hakad gelisay wadahadalada.

Wadahadaladaasi oo hadda la hakiyay ayaa waxa ay dib u billaan doonaan bisha Abriil, xilligaasi oo laga wada xaajoon doono arrimo xasaasi ah, sida kala guur siyaasadeed oo dalkaasi ka dhaca. Balse labada dhinac ayaa ku kala qaybsan waxa uu noqonaya mustaqbalka madaxweyne Asad.