Mareykanka Iyo Cuba Oo Safaaraddahoogii Dib U Furaya

Washington, (SLpost)- Waddamada Mareykanka iyo Cuba ayaa ku heshiiyey inay safaraadahoodii dib uga furtaan caasimaddaha Washington DC iyo Havana.Obama and Castro

Madaxweyneyaasha dalalkaasi ee Barack Obama iyo Raul Castro ayaa bishii December ku dhawaaqay inay dib u soo celinayaan xidhiidhkoodii diblomaasiyada.

Obama ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqo taariikhda la furi doono safaaradahaasi.

Waxaa laga yaabaa inay noqoto badhtmaha bisha July. Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa looga baahan yahay inay laba todobaad oo digniin ah siiso aqalka sare ee baarlamaanka Mareykanka ka hor inta aan safaarad la furin.