Mareeyaha Shirkadda Dhisaysa Madaarka Hargeysa oo ka Warbixiyey Halka marayso Hawshoodu

Hargeysa (SLpost)- Mareeyaha shirkadda dhisaysa Garoonka Dayuuradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Cilmi, ayaa faah-faahin ka bixiyey hallka ay u marayso howsha dhismaha Garoonka,isaga oo sheegay in ay haatan howshoodu heer aad u fiican ay marayso.

Mr. Maxamed Yuusuf Cilmi waxa uu xusay in haatan ay u soo dhamaadeen qalabka shaqada wixii dibadda kaga xidhnaa, qalabkaasi oo ay ugu muhiimsanaa, Wershada daamurka,sibidhka iyo shubka, taasi oo uu sheegay in ay haatan kun howlan yihiin rakibideedii oo ay ku tala jiraan inay dhammeeyaan todobaadka soo socda rakibaadeeda.

Maareeyaha oo ka hadlayey howsha ay garoonka ka qabanayaan ayaa waxa uu sheegay in ay howsha ay garoonka ka qabanayaan ay tahay laba qaybood, kuwaasi oo kala ah: in lagu daro garoonka laba kiilo mitir iyo badh si ay ugu soo degi karaan dayuuradaha waaweyn ee caalamiga ahi, iyo qaybta labaad oo ah in taar lagu soo xidho garoonka si uu u xafidnaado, taasi oo iyaduna haatan howsheedu ay socoto.

Waxa kale oo uu intaa raaciyey in ay ku rajo weyn yihiin howsha dhismaha garoonka ay si dhakhso ah u dhamays tiraan.

Somalilandpost.net