Maraykanka Oo Xabsi Dheer Ku Xukumay Laba Wiil Oo Somali-Swedish Ah

Us(SLpost)-Laba qof oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya isl markaana haysta dhalashada dalka Sweden ayaa maxkamad ku taala dalka Maraykanku xukun ku ridey kadib markii lagu heley in ay ka mid ahaayeen ururka al-Shabaab, isla markaana u soo dagaalameen.

Dacwad oogaha ayaa sheegey in Cali Yaasiin Axmed 31 jir ah iyo Maxamed Yusuf oo 33 jir ah ay ka qayb-qaateen dagaalo ka dhacay Muqdisho iyaga oo kamid ah al-Shabaab.

Maxkamadda New York, Brooklyn ayaa ku ridey xukun ah 11 sano oo xabsi ah. Dacwad oogaha ayaa sheegey in labadan nin ay ka safreen guryahoodi oo ku yaala Sweden sanadkii 2008, waxaana ay tababaro ku qaateen xerooyin ay leeyihiin al-Shabaab. Mid kamid ah labada nin ayaa ka qayb-qaatey cajilad muuqaal ah oo dicaayad loogu samaynaayo al-Shabaab sida uu sheegay dacwad-ooguhu.

Xagaagii 2012 ayaa labadan nin lagu qabtey dalka Jabuuti iyaga oo ku jeeda dalka Yemen. Sweden ayaa ku guuldareysatey in iyaga lagu wareejiyo, bishii Nofeember 2012 ayaa gacanta loo geliyey dalka Maraykanka. Dacwadda lagu oogey waxa ka mid ahaa caddaymo ay soo gudbisey hay’adda sirdoonka Sweden ee Sapo.