Maraykanka oo Sheegtay Inay Weerar Ku Dileen Jihadi John oo Qoor-goynta u Qaabilsanaa Daacish

 

Washington(SLpost)-Milateriga Mareykanka ayaa qaaday weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay ninka Daacish u qaabilsan qoor-goynta ee lagu magacaabo Jihadi John, iyadoo loo maleynayo inuu ku dhintay weerarkaas.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ayaa duqeyn ay ka fuliyeen agagaarka magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ku bartilmaameedsaday gaadhi uu la socday Mohamed Emwazi oo ahaa muwaadin British ah, balse ka soo jeeda dalka Kuwait.

Sarkaal u hadlay Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in bartilmaameedka uu ahaa Jihadi John, balse aan si rsmi ah loo ogeyn inuu dhintay iyo in kale.

Afhayeenka Pentagon-ka Peter Cook ayaa sheegay inay wali qiimeynayaan natiijada weerarka, hase yeeshee koox Syrian ah oo la socota arrimaha xuquuqda aadanaha, ayaa sheegtay in “Jihadi John” uu ka mid ahaa afar qof oo weerarka ku geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameroon ayaa sheegay in bartilmaameedsiga Jihadi John uu yahay arrin sax ah in la sameeyo, waxaana uu xusay in Mareykanka ay ku gacan siinayaan ogaanshaha xaqiiqda dhabta ah hadii uu weerarkaas ku dhintay iyo in kale.

Jihadi John ayaa ka soo muuqday muuqaalo argagax leh oo qoorta laga goynayay la heystayaal u badnaa reer Galbeed ah sida Wariyihii Mareykanka ahaa James Foley , sama falayaal Britain ka soo jeeday iyo Wariyihii Japaneska ahaa.

 

 

SOMALILANDPOST.NET