Maraykanka Oo Ruushka Uga Digay Hubaynta Maamulka Asad

US(SLPost)-Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry, ayaa telefoonka kula hadlay dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov, si uu ugu muujiyo walaaca uu ka qabo warar sheegaya in xukuumadda Moscow ay xoojisay joogitaankeeda ciidan ee Suuriya.

130531183817_russia_syria_misslies_512x288_bbc_nocredit

Ruushka ayaa ka mid ah dalalka hubka ugu badan siiya dowladda Suuriya. Balse waxaa jiray warar sheegaya in uu kordhiyay hubka casriga ah ee uu siiyo maamulka Asad, isla markaana uu dalkaasi geeyay khubaro milateri oo dheeraad ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ruushka uu doonayo inuu hogaanka u qabto dagaalka ka dhanka ah mucaaradka dowladda. Mr Kerry ayaa u sheegay Mr Lavrov in haddii ay dhab yihiin wararkaasi, in taasi ay uga sii dari karto dagaalka socda, ayna weliba dhalin karto iska hormaar dhex mara Ruushka iyo xulafada uu Mareykanka horkacayo ee ka howlgala hawada Suuriya, si ay u duqeeyaan ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa Jimcihii sheegay in aan la gaadhin waqtigii laga hadli lahaa in ciidammo toos ah ay u diraan Suuriya, balse dowladdiisa ay xukuumadda Dimishiq ka caawineyso hubka iyo tababarka ciidanka.

Ruushka ayaa ka walaacsan tabaryarida xukuumadda Suuriya iyo awoodda isasii tareysa ee ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka, waxaana uu sheegayaa inuu ka shaqeynayo sameynta xulafo ballaaran oo ka dhan ah argagixisada.