Maraykanka Oo Qaramada Midoobay Kala Hadlaaya In Cunaqabatayn Lagu Soorogo Nabad Diidayaasha Koonfurta Suudaan

US(SLpost)-Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegeysaa inay billaabeyso wadahadallo ay la yeelato Qaramada midoobeey, kuwaas oo ku saabsan cunna qabateyn ka dhan ah kuwa hortaagan heshiiska nabadda ee Koofurta Sudan.

Mareykanka ayaa markale ku dhawaaqay sida uu uga xun yahay in madaxweyne Salva Kiir uu ku guuldareystay inuu saxiixo heshiiska beesha caalamka ay garwadeenka ka tahay. Waxa ay sidoo kale ku dhawaaqeen in cunna qabateyn ay daba socoto tallaabadan, haddii Mr Kiir uusan saxiixan heshiiska muddo 15 maalin gudahood ah.

Waqtigaas ayaa ah midka ay dowladda Mr Kiir codsatay, iyadoo sheegeyso inay latashiyo soo sameyneyso. Hogaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar waxa uu dowladda ku eedeeyay inay dib u bilowday weerarada military, wuxuuna tilmaamay inay dagaalka doorbiday halkii nabadda ay ka qaadan lahayd.

Ugu yaraan todobo heshiis oo xabad joojin ah ayaa fashilmay tan iyo bishii December ee 2013kii, oo ah xilligii uu dagaalka ka bilowday dalkaasi. Sidoo kale, shanti qofba mid baa gurigiisa ka barakacay intay colaadaha socdeen. Dadka dalkaasi ayaa lagu qiyaasaa 12 milyan oo qof.

Dalka Koofurta Sudan dagaallo ayaa waxa ay ka socdeen 42 sano oo ka mid ah 60kii sano ee ugu dambeeyay.