Maraykanka Oo Muujiyay Walaaciisa Booqashada Madaxweynaha Suudan Ee Shiinaha

Hargeysa(SLpost)-Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay booqashada la filayo in madaxweynaha Sudan uu ku tago dalka Shiinaha, xilli Maxkamadda Caalamiga ay u jartay ruqsad lagu soo xidhayo, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xidhiidhta dambiyo dagaal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa sheegtay in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir uu u safri doono Shiinaha, si uu ula kulmo dhigiisa Xi Jinping, waxaana uu ka qeyb galayaa maalinta  bari ah 3-da September dabaal dega markii laga guuleystay Japan dagaalkii labaad ee Adduunka.

omar-al-bashir

Al-Bashiir ayaa tagay Shiinaha sanadkii 2011, iyadoo dowladda Shiinaha ay danaynayso saliida ay soo saarto Sudan, loona dhoofiyo dalkaas.Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka Mark Toner oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Washington ayaa sheegay in Mareykanka ay rumeysan yihiin in Madaxweyne Al-Bashiir aan la soo dhoweyn safaradiisa illaa uu cadaaladda ka wajahayo.

“Sida aad ogtihiin waxaa soo eedeysay Maxkamadda ICC, wuxuu galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xasuuq”ayuu yidhi Mark Toner.

“Ruqsada lagu soo xidhayo wali way taagan tahay, anagana waxaa si xoogan u taageereynaa dadaalka Maxkamadda ICC ee lagula xisaabtamayo dhammaan kuwa ka mas’uulka ah ficiladaas, waxaa ka soo horjeednaa fududeynta ama taageerida safarka dadka dambiyada ka yaala Maxkamadda ICC’ ayuu yidhi Mark Toner.

Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ayaa Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ku soo oogtay dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sanadkii 2009-kii, isagoo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay Gobolka Darfur.

Al-Bashiir ayaa tan iyo markii loo jaray ruqsada lagu soo xidhayo waxaa uu u safray dalal badan oo kuwa deriska la ah ka mid ah, iyadoo ay yareyd safarada uu ku tagayay wadamada fog, waxaana bishii June ay aheyd markii uu tagay dalka Koofur Afrika oo xubin ka ah Maxkamadda ICC, iyadoo go’aan Maxkamad ku taal dalkaas gaadhay oo ahaa in aanu dalka ka bixi karin uu noqday mid aan lagu guuleysan, kadib markii Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad uga soo ambabaxay Koofur Afrika oo uu uga qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika.