Maraykanka Oo Mucaawinada Cuntada U Kordhinaaya Itoobiya Oo La Sheegay Inay Abaaro Xun Ku Dhufteen

Us(SLpost)-Maraykanka ayaa kordhiyay gargaarka deg-degga ah uu siiyo dalka Itoobiya, waxa uuna ka dhigay ku dhawaad 100-million oo doolar in lagu caawiyo la dagaalanka saameyntii ay geysatay abaartii ugu xumeyd ee dalkaasi soo marta tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

151013183703_ethiopia_drought_512x288_afp_nocredit

Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa ku dhawaad 10 million oo qof in ay u baahan yihiin gargaar.Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in tirada dadka gargaarka u baahan ay sii laba-jibaarmayso billaha soo socda.

Abaartan ayaa ka dhalatay iyadoo aanan la helin roobabkii sanadkan la filayay.Lacagtan dheeriga ah uu bixinayo Maraykanka ayaa gacan ka geysanaysa kordhinta barnaamijyada cunada.