Maraykanka Oo Markale Uga Digay Muwaadiniintiisa In ay U Safraan Soomaaliya

 

USA(SLpost)-Dawladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, iyaga oo sheegay in amnigu wali khatar yahay, Mareykankuna uunna safaarad ku lahayn.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Soomaaliya tagaan inaanay heli karin caawimadii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maadaama aanay jirin safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya oo dadkaasi kala talisa dhinaca safarrada.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya uunna ahayn mid xasillan maadaama ay weli weerarro soo qaadayaan ururrada argagixisada ayna damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Dhanka kale, waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa ku boorisay maraakiibta caalamiga ah in aynna ku safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aannay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga biyaha Soomaaliya si ay uga hor tagaan halista budhcad badeedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya ugana digay muwaadiniintiisa in ay ku safraan Soomaaliya.