Maraykanka oo mar kale u digey dalka Ruushka uguna hanjabay in uu cunaqabateyn adag saari doono

USA (SLPOST) Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa si adag u canbaareeyey fatogelinta Ruushku ku hayo dalka Ukraine, waxaana uu ku hanjabey in Maraykanku cunoqabatayn adag saari doono Ruunshka. Kerry ayaa ugu baaqey Ruushka in ciidamadooda xuduuda ay soo buxiyeen ay ka qaadaan, haddii kale qiime badan ay bixin doonto xukuumadda Moscow.

John Kerry makes statement on Ukraine

Kerry ayaa sheegey in aan wax shaki ah ku jirin si cadna u muuqato waxa ka socda bariga Ukraine in ay tahay dab Ruushku afuudayo. Haddii Rushku sii wado dhaqanka caynkaas ah daaqadda u furan Ruushku waxay noqon doontaa mid xidhan ayuu yidhi Kerry. Digniinta Kerry ka soo baxdey iyo hadalada adag ee uu isticmaaley ayaa u badnaa in weli dhanka dhaqaalaha ay kala dagaalamayaan Ruushka, ayna garab taagan yihin Ukraine.

Kerry waxa uu Ruushanka ku eedeeyey in ay jebiyeen heshiiskii Geneva, isla markaana ay ka hor yimaadeen dhabaha Ukraine ay dimoqraadiyadda u marayso. Ruushkuw axay doonayaan mar-marsiinyo iyo sabab ay talaabo Mileteri uga qaadaan Ukraine ayuu yidhi Kerry.

Xaaladda Ukraine ayaa ah mid faraha ka sii baxaysa. Ruushka ayaa maalintii shalay dhaq-dhaqaaq mileteri iyo dhoolatus ku sameeyey xuduuda ay la wadaagaan Ukraine. Gaashaanbuurta Nato ayaa iyaguna dhoolatus Mileteri ka wada dalalka Baltikaanka iyo Poland.

Khubaro arrimaha dagaalka wax ka qora ayaa ka digaya in dagaal aan ku talo gal ahayn uu ku qarxo si lama filaan ah kaas oo isu beddeli kara mid balladhan oo dalal badan saameeya. Marka la eego tallaabooyinka xukuumadda Kiev ay qaadey ee ay ku weerarayso Malayshiyaadka taageersan Ruushka, iyo taageerada Ruushanku siinayo taas oo ay dheer tahay hanjabaadda Ruushka ee ah haddii aan hawlagalada Miletery la joojin in aaney  gacmaha ka laaban doonin.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland