Maraykanka Oo La Yaaban Sababta Kooxda Daacish u Adeegsato Baabuurta Shirkada TOYOTA

 

Dawladda Maraykanka ayaa su’aalo ka weydiisay shirkadda TOYOTA sida ay kooxda argagaxisadda ah ee Daacish u heshay baabuur badan oo nooca Land-cruiserada loo yaqaan ah, kuwaas oo baryahii ugu danbeeyay ka muuqanaya muuqaaladda fiidyawga ah ee ay ku soo bandhigayeen dhoola-tusyadda ay ka sameeyaan dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya.

Toyota3 Toyota1 Toyota2

Telefishanka ABC ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in shirkadda TOYOTA ay sheegtay in aannay ka warhayn, waxaanay soo dhawaysay baadhitaanadda ay samaynayso Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku, gaar ahaan waaxda u qaabilsan arrimaha argagaxisadda, taas oo loo abuuray sidii looga ilaalin lahaa sidii agabka ay soo saaraan waddanadda reer galbeedku u gaadhi lahaayeen gacanta Daacish iyo ururadda kale ee argagaxisadda ah.

 

Telefishanka ayaa sheegay in baryahii ugu danbeeyay in ururka Daacish uu soo bandhigayay tobonaan xaajiyado iyo baabuurta kale ee Land-cruiser ka oo la isa-soo dabagaliyay, laguna rakibay hubka culus.

Safiirka dalka Ciraaq u fadhiya Maraykanka Luqmaan Fayli ayaa sheegay inay xukuumadiisu aaminsan tahay in Daacish labaddii sanno ee ugu danbeeyay boqolaal baabuur oo nooca TOYOTA uu gacantooda soo galay.