Maraykanka oo ku eedeeyey Dalka Ruushka Dhibaatada ka sii socota Suuriya iyo Sucuudiga oo Shaaciyey inay Taageero Milatari siinayaan Xoogagga Mucaaradka

Washington, 26 February, 2012 (SLpost)- Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka  Mrs  Hilary Clinton  ayaa  canbaarayn  xooggan u soo jeedisay  dawladaha  Ruushka  iyo shiinaha, iyadoo sheegtay  in ay  tallaabo fool xun qaadeen, markii  ay  is hor taageen  qorshihii  golaha  amaanku ku badbaadin lahaa dadka  shicibka ah  ee ay  ciidamada  Suuriya  gumaadayaan .

Mr  Hilary Clinton waxa  ay intaas ku dartay  in maamulka  dalka  Maryakanka iyo  dawladaha  jecel  xoryadda  iyo demoqraadiyaddu  ay  diyaar u yihiin in ay  cadaadis  xoogan saaraan xukuumadda Suurya  iyo madaxweynaheeda, isla markaana  ka hawl gali doonaan sidii dad shicibka ah  ee wadankaasi  looga  badbaadin lahaa  duqeynta axmaqnimada ah.

Geesta kale,  wasiirka arrimaha dibadda  ee dalka  Sucuudiga  Mr  Sacuud Al-faysal  ayaa isna  ku dhawaaqey maalintii shalay  in  dawladdiisu  gargaar milatari  u bilabayso  xooggaga mucaaridka ee ka dagaalama  gudaha Suuriya,  si loo burburiyo  awoodda milatari ee Bashar Al-Asad.

SomalilandPost.net

contact@somalilandpost.net