Maraykanka Oo Iskudiyaarinaya Inuu Dib U Dajin Siiyo Toban Kun Oo Qaxoontiga Suuriye Ah

 

US(SLpost)-Madaxweyne Barack Obama ayaa waxa uu ugu baaqay Mareykanka in uu isu diyaariyo in uu sanadka soo socda aqbalo ugu yaraan 10,000 oo qaxooti Suuriyiin ah, sida laga soo xigtay afhayeenka Aqalka Cad.

Tiradan ayaa aad uga badan 1,500 oo qof oo Suuriyiin ah oo dib u dejin loogu sameeyay Mareykanka tan iyo markii ay bilaabatay colaadda halkaasi ka aloosan. Tiradan 10,000 ah ayaa waxa ay aad uga yar tahay 340,000 ee magangalya doonka ee gaadhtay qaaradda Yurub sanadkan.

Tan iyo markii ay colaadda ka bilaabatay Suuriya ayaa dowladda Mareykanka waxa ay gargaar ahaan u bixisay 4 bilyan oo doolar (oo u dhiganta £2.6 bilyan oo doolar). Sare u qaadidda qaxootiga la aqbalay ayaa waxa ay soo badhigaysaa “muhiimadda ay arrintu leedahay iyo sida ay kaga go’antahay Mareykanka in uu aqbalo dad ku nool goobaha colaadda si loo siiyo waxyaabaha ay u baahan yihiin” sidaasi waxaa sheegay Xoghyaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Josh Earnest.

Isagoo intaasi sii raaciyay in Congress-ka Mareykanka ay tahay in uu sameeyo “ballan qaad dhaqaale oo wax ku ool ah” si loogu ogolaado 10 kun oo kale oo qaxooti dheeraad ah in la geeyo Mareykanka.

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay in dalkeeda uu u diyaar yahay in uu aqbalo 800,000 oo qaxooti Suuriyiin ah, iyagoo ilaa iyo hadda aqbalay ku dhawaad 450,000 oo qof.Ra’iisul Wasaare, David Cameron ayaa isna sheegay in UK ay qaadan doonto 20,000 oo qaxooti Suuriyiin ah.