Maraykanka Oo Go’aansaday In Ciidamadiisu Sii Joogaan Afghanistan

 

Washington(SLpost) – Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku dhawaaqay qorshayaal ay ku sii joogayaan in ka badan 5 kun oo ciidammada dalkiisa ah gudaha waddanka Afghanistan wixii ka dambeeya 2017-ka.

 

Washington ayaa horay u qorshaysay in ay dhinto milaterigeeda awoodda leh ee dalkaasi jooga oo ay ka soo reebto tira yar oo saldhig ka dhigata safaaradda, balse haatan duruufo ammaan ayaa sababay inay ciidamo tira badani sii joogaan halkaasi.

 

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, ayuu Mr Obama waxa uu sheegay in ciidammada ay la sii dagaalami doonaan kooxaha argagixisada sidoo kalana taageero u fidin doona ciidammada Afghanistan.

Saraakiisha ayaa sheegay in go’aanka uu imanayo kaddib wadahadalo laba geesood ah oo laga yeeshay sida ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo ciidammada Afghanistan kuwaasi oo wajahaya handadaado cusub oo kaga imanaya maleeshiyaadka Taalibaan.

 

Madaxweyne Obama ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay aheyd in qorshaha la badelo. Mr Obama ayaa sidoo kale sheegay in ciidammada Afghanistan aanay weli awood buuxda lahayn si ay isaga caabiyaan weerrarada sii kordhaaya ee ka imanaya Taalibaan iyo kooxda Dowladda Islaamiga ah.

 

Shukria Barakzai waxa ay xubin ka tahay baarlamaanka Afghanistan, waxa ay sheegaysaa in ciidammada Amerikaanka ay suuragal tahay in ay dalkaasi sii joogaan wixii ka dambeeya 2017-ka.