Maraykanka oo Digniin u jeediyey Dawladda Israa’iil, uguna hanjabay inay waayi doonaan Xulufada ka dhaxaysa

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Maraykanka, ayaa dalka Israa’iil uga digtay dhul-ballaadhsiga ay ku hayaan deegaannada dhulka Falastiiniyiinta, gaar ahaan Daanta Galbeedka oo laga bilaabay dhismayaal cusub oo laga higeliyey muddadii ka dambaysay duullaankii Israa’iil ku qaadday Gaza.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa raysal wasaaraha dalka Israel, Benjamin Netanyahu, u sheegay waddankiisu si weyn uga walaacsan yahay Deegaamaynta Cusub ee Israel ka bilaabayso Bariga Qaza iyo Daanta Galbeed.

obama-netanyahuMaraykanku waxa uu Israel uga digay inay hirgelinta qorshahan ku waayi doonto mid ka mid ah xulufadeeda ugu dhaw oo ah dawladda Maraykanka.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay wararka ah in Xukuumadda Israel hore ugu socotay qorshe ay ku degsiimeynayso meel xaasaasi ah oo Bariga Qaza ah,” sidaa wax yidhi Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka.

Afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, waxa uu sheegay in Arrintani dhaawacayso wada-xaajoodkii iyo heshiisyadii u dhexeeyey Falastiin iyo Israel.

“Qorshahan Israel, waxa uu keenayaa uun Cabaaraynta Beesha Caalamka iyo Inay Israel kaga fogaato ama xataa ay ku waydo Xulufadoodii ay iskugu dhawaayeen,” ayuu yidhi Afhayeenka Aqalka cad.

Waxa uu sheegay in Qorshahani saamayn ku yeelan doono Jewiga siyaasdeed ee Israel, iyadoo aanay kaliya saamayn ku yeelanayn Falastiiniyiinta balse xataa waddamada Carabta ee ku dhaw ay saamayn ku yeelan doonto.

Israel ayaa ku hawlan dhisidda 2,600 Guri oo ay doonayso inay ka hirgeliso degaamayn cusub oo ay ka hirgelinayso Bariga marinka Qaza.

SOMALILANDPOST.NET