Maraykanka Oo Al-shabaab Ku Duqeeyay Deegaano Koonfurta Somaliya Ka Tirsan

Somaliya(SLpost)-Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha wadin ay duqeeyeen laba goobood oo ay u sugnaayeen Al-Shabab Isniintii iyo Talaadada maanta.

Af-hayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in duqaymahan la gaystay sababtoo ah Al-Shabab oo halis ku hayey ciidankooda.

12 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa lagu dilay weerarradan sida uu sheegay Af-hayeenka Pentagon-ka.

Warar ay VOA heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku dhimatay duqayn xalay ka dhacday deegaanka Yoontoy oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada.

Ugu yaraan shan ka tirsan dadka dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, halka inta kale ay yihiin dad rayid ah.

Duqaynta labaad ayaa habeen hore ka dhacday degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Waqooyi Galbeed ee Kismaayo fiidnimadii Isniinta.

Duqaymahan ayaa yimid iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha wadin (Drone) ay duqaymo is daba-joog ah ka gaysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.

Duqaymaha kale ee tan iyo bishii hore la gaystay ayaa ka dhacay degaannada kala ah Kukobibir, Beerxaani, Jilib, Cabdi Dhoore iyo Kamsuma.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir ayaa ka badbaaday isku day kadib markii qarax lala beegsaday baabuurkiisa.

Laba ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo manata ka dhacay magaalada Beledxaawo, sida uu guddoomiyaha u sheegay VOA.