Maraykanka iyo Isra’iil oo ka wadahadlay basaas Israa’iili ah

Talvev (SLPOST) Xoghayaha Arrimaha dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa kulan xasaasi ah la leh Raysalwasaaraha maamulka Isra’iil Benjamin Netenyahu.

kerryNetenyahu010414

Booqashada Kerry ayaa ah mid qeyb ka ah dadaalkii ugu danbeeyey ee lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo Wadahadlkii Isra’iil iyo Falastiiniyiinta oo qarka u saaran inuu gebi ahaan bur buro.

Dowlada Falastiin ayaa u qabatay John Kerry illaa 29 bishan April inuu ku xaliyo khilaafka ka taagan siideynta maxaabiista reer Falastiin ee ku jira gacanta Isra’iil.

Horey ayey labada dhinac ugu heshiiyeen sanadkii hore July 2013 in 26 maxbuus oo reer Falastiin ah lasii daayo si wadahadalka dib ugu furmo, balse Isra’iil ayaa hada diidey inay sii deyso maxaabiistaasi.

Maraykanka ayaa laga yaabaa inuu ku qanciyo Isra’iil siideynta maxaabiistaasi, iyadoo Maraykanka ay dhici karto inuu dhankiisa sii daayo Basaas Yuhuud ah oo u xiran Maraykanka.

Jonathan Pollard oo ah basaas u shaqeenayey Isra’iil ayaa sanadkii 1987dii lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay inuu sirta militariga Maraykanka u gudbin jiray sirdoonka Isra’iil. Siideynta basaaskan ayaa dhici karta in Maraykanka ku qanciyo Isra’iil. Hase yeeshee sirdoonka Maraykanka ayaa si weyn uga soo horjeeda in ninkaasi xabsiga laga siidaayo.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland