Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Basaasay Dalka Israaiil Ee Ay La Saaxiibka Yihiin

US(SLpost)-Maraykanka iyo Britain ayaa la sheegay inay basaaseen hanaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil.

151111053728_us_former_intelligence_contractor_edward_snowden_512x288__nocredit

Arrintan ayaa u suuragelisay labadani dal inay la socdaan macluumaadka ay diyaaradahaasi u gudbiyaan dowladda Israa’iil.

Warkan waxaa shaaciyay Wargeyska Der Speigel, oo soo xiganayay ninka waayahan baahiya sirta sirdoonka Maraykanka ee Edward Snowden.

Wasiir ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid laga xumaado, balse aysan ahayn wax lala yaabo.

Yuval Steinitz ayaa sheegay in Israa’iil aysan basaasin Maraykanka muddo tobonaan sano ah.