Mar labaad iyo Burbur ku yimi Dhexdhexaadin u socotay Garabyada UCID iyo qaar ka mida Odayaasha Dhexdhexaadiyaasha ah oo dhan ka saftay

Hargeysa (SLpost)- Kulan markii saddexaad xalay laysku soo hor-fadhiistay oo la filayay in lagu xalliyo khilaafaadka Xisbiga UCID, ayaa burburay ka dib markii Xaaji Cabdi Waraabe uu ka dhawaajiyay hadalo ay ka biyo-diideen dhanka uu hogaamiyo Aadan Mire Waqaf.

Sida ay wargeyska Ogaal u sheegeen ilo xog-ogaal ahi, kulankan oo ka dhacay laga bilaabo 09:00 fiidnimo ilaa 11:00 Huteel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, waxa isku soo hor-fadhiistay guddi iskeed isu xilqaantay oo uu hor-kacayay Xaaji Cabdi Waraabe iyo garabka u badan gudiga fulinta UCID oo uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee xisbigaas, isla markaana ah guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ee dhanka isbedel-doonka ah.

Warku wuxuu sheegay in Guddiga dhexdhexaadintu ay markii ugu horaysay kulankaas ka hadleen, isla markaana ay soo qaddimeen inuu dhanka kale ka aqbalo inuu Faysal ahaado Guddoomiyaha Xisbiga UCID, iyagana uu mid kastaaba ku noqdo jagadii uu marka hore xisbiga ka hayay. “Waxaan idiin sheegayaa in Xisbiga UCID uu Faysal keensaday oo uu isagu leeyahay, cid ku qabsan kartaana ma jirto, idinkuna waad ku qabsateen ee waxaan idinka codsanayaa inaad Faysal Guddomiyihiisii ku celisaan, idinkuna aad jagooyinkiinii joogtaan.” Sidaa waxa yidhi Xaaji Cabdi Waraabe oo ka dalbaday kooxdiisa dhexdhexaadintu inaanay ka daba hadlin. “Dhac baad haysaan oo xisbiga waad dhacdeen ee waxaan idin leeyahay, iska soo wareejiya. Furayaashii iska soo wareejiya….” Ayuu hadalkiisa raaciyay Xaaji Cabdi Waraabe.

Isaga oo ka hadlayay natiijo uu sheegay inay ka dhalan karto khilaafka sii taagan, waxa uu intaa ku daray, “Faysal waa inaad furihiisii iyo Xisbigiisii u celisaan, idinkuna aad xisbi kale furataan, hadii kale wax baa dhici doona oo halkan (Hargeysa) la wada joogimaayo, waayo, Faysal waad dhacdeen.” “Arrinkan Maxkamad ha hor-geynina, waayo, maxkamada horteedaa laysku dili doonaa,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.

Intaa ka dib, dhinaca uu hogaamiyo Aadan Mire Waqaf oo ay u hadleen Mr. Waqaf, Xasan Cod-yare iyo Muuse Inji, waxa iyagana hadaladoodii ka mid ahaa, “Anagu Xisbi Faysal leeyahay iyo mid reer leeyahay toona ma hayno. Isaguna (Faysal) xubnaha xisbiga ayuun buu ka mid yahay.” Waxaanay soo jeediyeen qoddobadan: 1- Inaad arinka dhex-dhexaadin ka gashaan oo aad iskaaya hor-fadhiisisaan anaga iyo Faysal. 2- Inaad arinka u daysaan Maxkamada oo sharciga lagu kala baxo, cidii loo xukumaana ay hesho. 3- In Faysal aad ka soo xaqiijisaan inuu sharciga u hogaansanaado, isaga oo xubin ahna uu shirka ka soo qaybgalo.

Xubno ka mid ah gudiga dhexdhexaadinta oo ka biyo diidsanaa hadalkii Xaaji Cabdikariim ayaan iyagu goobtaa waxba ka odhan, isla markaana warku wuxuu sheegay inuu shirkaasi sidaa ku burburay iyada oo aan wax natiijo ah laga gaadhin. Inkasta oo aanu isku daynay inaanu labada dhinacba wax ka waydiino sida wax u dhaceen, hase ahaatee, kumaanaan helin khadka talefoonka.

Kulankani waa kii saddexaad ee ay isku hor-fadhiistaan xubnaha guddiga fulinta ee garabka Waqaf iyo guddiga dhexdhexaadinta oo iyagu iskood isu xil-saaray, hase yeeshee, wax natiijo ahi kamay dhalan, ka dib markii sida ilo-wareedyadani xaqiijiyeen uu goobta ku soo tuuray hadalo la xidhiidhay inuu Faysal ahaan doono Guddoomiyaha Xisbiga UCID, balse ay garabka Waqaf si wayn uga biyo diideen. Isla markaana ma jiraan wax ballan ah oo lagu kala tegay.

Xigasho: Ogaal