“Mar Kasta Waxaan Idhaahdaa Somaliland, Waxa Kuraasta Loo Kala Badsaday Sidii Loo Kala Hor-iimaansaday” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SL.Post)  Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay isku shaandhaynta Madaxweynaha Somaliland ku sameeyay Xukuumaddiisa, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo xilka ee loo magacaabay Wasiirka cusub ee arrimaha guddaha.

 

 

 

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu  sheegay inuu hore ugu baaqay in Somaliland loo wada sinaado, islamarkaana la sii wado u sinaashaha saamiga Xukuumadda.

 

 

 

“Isku shaandhayntani waa tii balanteenu ahayd haddaynu doonayno inay Somaliland mid noqoto waa in beelaha reer Sheekh Isaxaaq ay Kuraasta ka kacaan, oo saami dadka oo dhan raali-geliya oo Ummadda sima. Isku shaandhayntani waxay ahayd mid loo baahnaa in Kuraasta la isku dheeli-tiro.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

 

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID wax uu intaas ku daray “Markasta anigu waxaan idhaahdaa Somaliland waxa Kuraasta loo kala badsaday sidii  loo kala hor-iimaansaday, diinte Islaamkana haddii aad aragtaan marka qolo cusbi timaado waa la soo dhaweeyaa  oo Kuraasiday uga kici jirtay. Nebi Maxamed SCW qaniimadiisa Islaamka waxa loo badin jiray dadka markaas oo galay.”

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa