Burco(SLppst)-Deegaanka Balihiile ee gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay nin la sheegay inuu xoolaha ka jaqaayay dhiiga.
Ninkan ayaa lagu hayaa meel lagu xabisay oo tuuladaas ka mid ah waxaanay dadka deegaanku sheegeen inay iyagu ku arkeen eedaysanahayn oo jaqaayay dhiiga neef adhi ah, gobalada Togdheer iyo Sool ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay hadal haynta ugu badan ay tahay dhiig neef laga jaqay iyo ilama yar oo la gawracay.
Wali xukuumada Somaliland ayaan qaadin talaabooyin ay wax kaga qabnayso dhibaatooyinka la soo darsaaya dadka deegaanadaas ku dhaqan.