“Mar haddii Hubku gacanteenna soo galay wuxuu ka mid yahay uun Qaniimadaha Badda ka soo caarya”

Berbera (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ula wareegi doonto Hub sharci-darro ah oo lagu qabtay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda magaalada Berbera, kaas oo habeen hore hawl-gallo dhowr saacadood qaatay lagaga rogay hubkii saarnaa oo lagu xereeyey saldhigga Ciidanka Ilaallada Xeebaha ee magaalada Berbera.

Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in hubkaasi ku jiro gacan Somaliland, isla markaana ay marinayaan shuruucda dalka u taala oo ay maxkamadaha dalku go’aan ka soo saari doonaan, cid kasta oo masuuliyadda iyo lahaanshiyaha hubkaas sheegatana ay ka wada-hadli doonaan, balse waxa uu tilmaamay inuu yahay hub mulkiyaddiisa ay la wareegtay Somaliland, markabka hubka lagu qabtayna la ganaaxi doono isla markaana la sii deyn doono.

“Mar haddii Hubku gacanteenna soo galay wuxuu ka mid yahay uun Qaniimadaha Badda ka soo caarya”Wasiirka oo labadii maalmood ee u dambeeyey magaalada Berbera u joogay sidii hubkaas looga dejin lahaa markabka, ayaa mar uu warbaahinta shalay kula hadlayey Berbera maanta, waxa uu sheegay maadaama uu hubkaasi yahay mid sharci-darro ah oo dalka la soo galiyey iyada oo aan xukuumadda lagu war-gelin uu ka dhigan yahay qaniimadaha Badda ka soo caarya oo ka dhigan inaanay jirin cid iska leh hubkaas.

HALKAN KA DAAWO