‘Mar bay wada go’een!’ – Qalinka: Barkhad M. Kaariye

Anigoo hormaraya meherad aanan ka filayn ayaan gartay sii-jeedkiisa. Markii aan ku leexday ee aan salaamay ayuu jawaab iiga dhigay, “Miyaanad ogayn mar bay wada go’eene?” Warka geerida ee qofka kedis loogu sheegaa mararka qaarkood isagaa geeri kale sababa, bal ka warrama warka geeri wadar ah oo laguu sheegay adigoon filayn? Anigoon garanayn cidda go’day iyo wadarta uu sheegayo, ayuu sidii qof diyaar u ahaa in uu dhaqaaqo oo adeeg dhammaystay inta uu ‘Ina keen’ yidhi, I hor dhaqaaqay. Aniguna waan daba dhaqaaqay oo wada fuulnay gaadhi meel halkeer ah taagnaa. Guri buu is-hortaagay aanan waligay arag! “Maxay ahayd masiibadan reerka heshay ee mar wada dishay?” ayaan nafta kula faqay. Anigoon wali jawaabtii helin oo maskaxdaydu falanqaynteeda ku maqan tahay, ayaannu gaadhigii ka degnay.

kaariyeMarkaannu gurigii galnay, ayaan dheehday wejiyada dadka guriga jooga, si aan dareenkooda u arko. Waxaan arkay sida geeridu u culus tahay in aanay iyaga ugu cuslayn! Qaarkood baa dhoolla-caddaynaya, qaar kalena dareen sidaa u wayni kuma mudna! “Waar waa dhaqanka imika soo baxay iyo quluubta umaddan engegtay ee iyagoo xabaalaha jooga ka dul sheekeeya ama isku dul waraysta’e, geeridu way jirtaa.” Ayaan nafta ku qanciyay. Wuxuu abbaaray qol ka mid ah qolalkii guriga, anigana wuu ii yeedhay. “Ninku miyaanu naxayn muxuu kugu falayaa?,” ayaan hoosta iska idhi. Waan dareemay in qolka uu galayaa uu yahay ka uu maydku yaallo, waxaanse garan waayay wuxuu aniga iigu yeedhayay!

Qolkii markaanu galnay ayaan arkay dad nool iyo mayd ku wada jira. Shan mayd ah ayaa yaallay, laba oday ayaa dul joogay oo aan u fahmay inay yihiin kuwii gunnaanadka ku akhriyay. Baco waawayn oo uu sitay oo aanan markii hore ogayn waxa ku jira, ayuu dhulka dhigtay. Anigoo sidii qof naxsan u taagan ayuu igu soo jeestay, “Maxaa ku taagay, gacmaha shaadhka laabo oo gacmo-gashigan [Gloves – golofis] xidho oo kaalay shaqee,” ayuu igu yidhi. Sidii qof maqnaa oo la soo jeediyay ayaan soo baraarugay oo aan hawshii meel aan kaga hagaago haab-haabtay. Markaas ayaan gartay in maydku wada lab yihiin. Kafan buu soo saaray iyo maro cad oo kale, cudbi badan, cadar iyo diib ayuu halkan agtayda wada dhigay. Kafan buu la soo baxay oo sariir halkeer taallay ku dul goglay, ka dibna maro yar oo labada dhinac laga jeexay iyo cudbi badan dul saaray. Maydkii midkood baannu la qabannay oo uu dul saaray kafantii oo goglan. Cudbi buu dhegaha, sanka iyo meelaha daloola kaga awday. Cadarkii buu wada mariyay, ka dibna kafantii dhinacyada kaga soo laabay oo uu madax ilaa mijo ku xidhay oo xadhiggii guntintiisa dhinac bidix mariyay, si marka hadhow maydka midig loo dhigo loo furi karo. Afartii mayd ee kalena sidii oo kale ayuu yeelay.

Inta dad joogta kama garanayo cid aan ahayn ninkan I soo kaxeeyay. Waxa la isu qalqaaliyay in maydadka la qaado oo dhinaca xabaasha la geeyo. Baabuur tiro yar iyo dad kooban ayaannu isku daba-galnay oo u jihaysannay dhinicii xabaalaha. “Caruur ma dhaleen? Toloow cidi ma hadhay qoyska?” iyo su’aalo kale ayaan waydiiyay nin magaciisa Warmooge iigu sheegay oo aannu gaadhi wada fuulnay oo aan mar dambe ogaaday in aanu isaguba xog igu dhaamin. Markii xabaalihii la gaadhay ee aan wali maydkii lagu tukan, ayuu sheekhii dadka tujinayay hadal bilaabay oo uu cod-baahiye aan sidaa u cod dheerayn ka yidhi; “Qof waliba wuu dhimanayaa, halkaas ayaana ina wada sugaysa. Geeridu mar walba waxay leedahay damaq, laakiin tani way inooga sii damaq badan tahay!” Markuu sheekhii intaas yidhi, ayaanu aniga iyo Warmooge is-eegnay sidii laba indhaha ka wada hadlaya oo xog ay rabeen maqlay. Wuu sii waday sheekhii hadalkii oo kuye; “Dhiilladu waxay tahay in shantan aynu maanta aasaynaa aanay adduunyada raad kaga tegin! Waxa ka sii damaq badan cidda dhaxashay ee u hadhay ee doorkooda meteli doona. Waynu aragnaa oo innagoon aasin ba, waxa tacaddi iyo gef ku socda doorkii ay bulshada kaga jireen iyo dhaxalkii ay ka tageen! Dad aan ehel u ahayn baa u hadhay oo lufad aan qiimo lahayn ka dhigay. Waa qaddar Alle oo ciddii ka daaya odhan lahayd dhaxalkan ha luminnina’e, waxa hortaagan oo iskii isu-xil-qaamay nin leefleef ku qaba siinad-guurka lagu hayo dhaxalkooda.” Qof waliba meel baa u darrayd’e, aniga waxa igu mudnaa in aan ogaado shantan qof ee kaalintaa kaga jiray umadda ee haddana iyagoon luxudkaba la dhigin, laga dayrinayo dhaxalkoodii iyo cidda u hadhay. “Miyuu sheego dadkan bal inaad aqoonsato” ayaan isleeyahay anigu markaa. Sheekhii baa hadalkii sii waday oo kuye; “Qof innaga mid ahi daah kama saarna in aanay bulshadu ku baraarugsanayn geerida iyo aaska aynu maanta joogno, waxa laga yaabaa in haddii qof kale dhiman lahaa ay xitaa dawladda oo guuraysaa ay iman lahayd. Imikase tan cidi dan kama laha! Waxaynu maanta aaskooda joognaa, afar mihnadood iyo mid ku lammaan. Waxaynu aasaynaa, suxufinnimo, siyaasinnimo, dhakhtarnimo, abwaannimo iyo aqoonyahannimo! Waa kuwaa maydkii aad siddeen ee aynu aaskooda joognaa. Waa iyaga kuwii aynu maanta oo dhan ka soo hadlaynay oo intaba tacaddi iyo gef joogto ah lagu wado. Intuba way dhinteen oo mar bay wada go’een, maantana waynu aasaynaa. Ilaahay waxaynu u baryaynaa inuu dad u ehel ah oo qiimahooda fahmaya u soo saaro.”

Intaa markuu yidhi, ayaan gartay in maydadkii aanu maydhnay, gelbinay ee aanu aasnay ay ahaayeen shantaas. Waan u soo taagnaa aaskooda.

Barkhad M. Kaariye

Kaariye104@gmail.com

Hargeisa, Somaliland

Sibtember, 2014.