Maqalka iyo Adeeciddu Waa Xaq Illaahay leeyahay

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere, oo soo dhoweynayey isku biiritaankii maleeshiyaadka Galgala iyo Al Qaacida, ayaa cadeeyey inaanay iyagu ujeedo kale ka lahayn Soomaaliya, balse doonayaan inay u gacan geliyaan Al Qaacida, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa, “Hogaamiyahii aanu jeclaynow, kalsooni weyn ayaad nagu qabi doontaa, garbahaaga ayaan istaagaynaa, laabtayada kalgacalkaaga oo daacad ah ayaa ku jira.. inaan ku maqalo kuna adeecno xitaa hadii denbi naloo qabsado, hortaadana socono annagoo halyeeyo kuu ah,” sida Somalireport qortay.

Waxa la yaab weyn ah, miyaanay denbi ahayn hadii qofka islaamka ah uu siiyo adeecida iyo maqalka ilaahay qeyrkii, sida haatan shabaab xeeladoodu tahay. Wa anasiibdaro sida qof gurigiisii intuu soo burburiyey kuna negaan kari waayey ugu soo hayaamo aqalkaaga inuu burburiyo, isla markaana iyadoo ummadu sida aula socoto haddana loo waayo inay ku dhiiradaan iska cabintooda. Waxaana tusaale kuugu filan sida shabaab u qaadayso raadkii Daalibaan iyo Al qaacida soo mareen ee isqarxinta iyo daadinta dhiiga rayid aan waxba galabsan.

Is-qarxintu waxay ahayd fal aan lagu aqoon dhaqanka Soomaalida waxii ka horeeyey 2006, xilligan waxay la noqdeen wehel dhamaan inta shabaab joogaan, dhab ahaan falkaa oo in badan oo masaakiin aan waxba galabsan nafahood aku waayeen ayaa, dhinaca kale shabaab u arkaan kuwo ku adeecaya hogaamiyeyaashooda samaynteedu. Laakiin waxa isweydiin leh sababta hogaamiyeyaasha shabaab ugu dari waayeen ama ugu horeysiin waayeen ubadkooda falkaa jannada lagu tegayo hadii ay dhab ka tahay, ee keliya ugu adeegsadaan ubadka dadka masaakiinta iyo foqoradu dhaleen.

Way tiro beeleen in hablood ee shabaab hab qasab ah ugu guuriyeen shaydaamada diebdaha uga yimaada la daadinta dhiiga islaamka, sidii Al qaacida, oo u adeegsan jiray dumarkaa inay fariimaha ugu gudbiyaan meelo kale, waxaana xaqiiq noqonaysa sida shabaab badhax la’aan ugu ekaatay waddadii Daalibaan soo martay sagaashamaadkii, una doonayaan inay Soomaaliya xilligan u dhalanrogeen inay Somaliland hadii ay fursad helaan (Ilaahay kama dhigee) ugu bedelaan sidii Afgaanistaan.

Ugu danbayn, waa inaan isweydiinaa ilaa xillima ayaan sii eeganaa inta shabaab iyo xulafadoodu ku sii jirayaan arxandaradooda iyo denbiyadood aay ka gelayaan ummada aan waxba galabsan ee islaamka ah  oo ciqaabtii ilaahay ifka ku haleelayso iyadoo dhab ahaan yaboohii JAHANAMA ku sugayo aakhiro.

Axmed C. Sheekh

Burco, Togdheer.

4438008