Manchester United oo rasmi ula wareegtay Goolhayahii Atletico Madrid

Goolhaye De Gea

Kooxda Manchester United ayaa cadeysay in si rasmi ah ula wareegeen heshiiska goolhayaha kooxda Atletico Madrid David de Gea muddo shan sannadood ah.

Golhayahaa reer Spain aya lala xidhiidhinayey inuu u waeegayo garoonka  Old Trafford ka dib marii goolhayahoodii Edwin van der Sar ka fadhiistay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Goolhaye De Gea

De Gea ayaa ka hadlay siduu ugu farsaxsan yahay imaatinka United, isla markaana sheegay in doonista United ku adkaysay inay hagan weyn u galo, “Waan ku faraxsanahay, mana ugi karo ka ciyaarida garoonka Old Trafford,”ayuu u shegay MUTV. Isagoo raaciyey, “Waa farxad weyn inaan qeyb ka ahaado kooxda sida United ah, waxaanan doonayaa inaan xirfadayda ku muujiyo,”

Qiima iibkiisa ayaan weli la shaacin, laakiin, la filayaa inay u dhowaato qiimo gaadhaya 18 million pounds, taasoo ka dhigi doonta de Gea goolhayha ugu qalaisan ciyaaraha Ingiriiska.

Laacibka reer Spania ayaa ah ciyaaryahankii saddexaad ee yimaada garoonka Old Trafford xagaagan, ka dib markii ore ay u yimaadeen Phil Jones iyod Ashley Young.