Manchester City oo markii ugu horreysay Muddo 44 sanno ah Guul taariikhi ah ku hanatay Horyaalka Ingiriska

[S]Lpost Sports – Kooxda Manchester City ayaa tallaabo aan hore uga dhicin kubadda Cagta dalka Ingiriiska ku hanatay horyaalka dalkaas ka dib markii wakhtigii dheeraad ahaa ee lagu daray ay ku keensadeen laba gool oo ay weeraryahannada kooxda ku adkaatay inay ku hubsadaan shabaqa kooxda QPR 45 daqiiqo ee qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kooxda QPR iyo tabobarahooda oo garoonka ka soo xaadiray iyaga oo ballansan inay hanashada horyaalka seejiyaan City, kana badbaadaan inay ka mid noqdaan saddexda kooxood ee tartanka Horyaalka Ingiriiska ka hadhaysa, ayaa dhammaantood difaac ka galay goolkooda si aanay kubaddu u dhaafin, balse Manchester City oo bilowgiiba u muuqatay inay hananayso horyaalka ayaa heshay fursad ay gool ku dhaliso ka dib markii uu gool cidhiidhsi ah haleelay xiddigga Khadka dhexe uga ciyaara City ee Zambrotta shabaqa ku hubsaday daqiqaddii 43aad, waxaanay ciyaarta qaybtii hore ku dhammaatay 1-0.

Manchester City ma ledin guushii ay hoggaaminaysay ee qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isku soo noqday ayey kooxda QPR ka faa’idaysatay khalad uu sameeyey difaaca Manchester City ee Lescott oo kubbad dhanka goolka QPR ka timi uu isku dayey inuu madaxa ku siiyo saaxiibkiisa daba-taagnaa, balse waxa dhexda ka qayb-saday weeraryahanka Faransiiska ah ee Djibril Cisse oo aan khasaarin fursaddii uu helay goolkana ku hubsaday.

Wakhtigan kooxda QPR waxay sii xoojisay Difaaca, ka dib markii kaadhka cas la siiyey ciyaartoy ka tirsan QPR oo ku khaldamay weeraryahanka reer Argentina ee Carlos Teves taasina sababtay inay sii xoojiyaan difaacooda, waxaana Xiddigaha Manchester City u suurto-gali waayey inay wax gool ah dhaliyaan. Waxa kaga sii daray, ka dib markii uu dhaawacmay furaha Dhexda Man City Yaya Toure oo lagu beddelay De Jong. Balse, rejadii City waxay sii Xumaatay markii gool labaad uu QPR u dhaliyey ciyaartoga Jamie Mackie.

In kasta oo ay xiddigaha City dedaallo badan sameeyeen si ay u dhaafaan gidaarka ay goolka ka hortaageen ciyaartoyga QPR oo isku dayaya inay ka badbaadaan horyaalka heerka Labaad.

Dhanka kale, kooxda Manchester United oo lafteedu rejo ka qabtay inay hanato koobka ayaa wakhtigan 1-0 ku hoggaaminaysay kulan ay ku booqatay kooxda Sunderland. Halka kooxda QPR ay isla wakhtigan u muuqatay mid ka badbaadaysa hadhitaanka maadaama kooxda Bolton oo ay isku dhibco dhawaayeen ay ku hoggaaminaysay 2-1 kulan ay la ciyaaraysay kooxda Stoke oo markii dambe ku dhammaatay 2-2

Iyada oo kooxda Manchester City ee taageerayaashooduba ay rejo beel ka ahaayeen hanashada koobka horyaalka, laguna jiro wakhtigii dheeraadka ahaa uu goolkii barbar dhaca u dhaliyey weeraryahanka Edin Zeko oo lagu beddelay Carlos Teves, taasina sababtay inay City ka faa’idaysatay saddex daqiiqo oo ka hadhsanaa wakhtigii dheeraadka ahaa.

Wakhtigii dhimashada iyada oo ciyaartu sii dhammaanaysayso, waxa kooxda City iyo taageerayaasheedaba ka farxiyey weeraryahanka reer Argentina ee Aguero oo kubbad uu si fiican  uga soo shaqaystay ku hubsaday shabaqa kooxda QPR.

Fursaddani waxay u suurto-galisay City inay 44 sanno ka dib markii ugu horreysay ku guulaystaan horyaalka Ingiriiska iyada oo ay fejiciso noqotay qaabkii ay goolashu u dhasheen saddexdii daqiiqo ee ugu dambeeyey.

SLpost News

sports@somalilandpost.net