“Ma Ogolaanayno In Somaliland Dabaqado Yeelato, Ganacsataddana Baryi Mayno”

Hargeysa (SLpost)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan  Saxaradiid Caddaani  ayaa walaac xoogan ka muujiyay lacagaha qaalaad siiba dollarka, taas oo meesha ka saartay isticmaalka shilinka Somaliland, isla markaana dhibaato xoogan ku haysa guud ahaan bulshada.cadaani

Wasiir dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddani oo ka hadlayay kulan ay la yeesheen maamulayaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee dalka Somaliland ayaa ka dayriyey

isticmaal la’aanta shilinka Somaliland, Wasiirka oo arrimaha ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhiig bax baa Somaliland ku socda, ka taajirka ah, ka dawlada ah iyo ka askariga ah dhiig bax baa ku socda..”

Mudane Caddaani waxa uu ka waramay faa’iidada ku jirta in dal kastaa uu isticmaalo lacagtiisa, waxaanu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaaya “sidan ay wax u socdaan maaha noolow, waa dhiigbax saameyna ku yeelatay bulshada oo askariga foranta joogay wixii yaraa ee la siinayay markay waxba u tari waydo ee macallinkii mushaharkiisi carruurtiisi waxba u jari waydo, ninkii shaqaalaha, miisaaniyaduna si kastoo loo krodhiyo, ma fadhiisanayso, haddii aan waxba laga qaban lacagta doolarka oo qof kastaa shillinka iyo lacagtiisa isticmaalin.”

Wasiiru-dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “annagu ma nihin gobol ka tirsan dalka Maraykanka, waxaanu nahay dal madax banaan oo Somaliland la yidhaahdo, oo dalalka deriska kala mida isticmaalka lacagtiisa. Hadday tahay Ethiopia, Jabuuti, Kenya, dalalkaasi oodhan waxay isticmaalaan lacagtooda oo ta kowaad ah.

Hadaynaan biyaha, roodhida, baydhkii raashinkii, intaba aynaan ku iibsan shillinkeena ma noqonayno ummad, ummaduna waxay tahay, isticmaalka lacagta dollarku dadkeeni waxay ka abuuraysaa in ay dabaqado yeelato, dowlad ahaan iyo dal ahaanba marnaba ma ogolaanayno in dalkeena dabaqado yeesho.”

Wasiiru Dowlahu waxaa uu ugu danbeyn fariin u diray ganacsatadda dalka “waar waxaanu leenahay dollarkan in raga qaar ay iska gurtaan oo danyartuna ku bakhtido, oo ay ka dhego adeygaan isticmaalka lacagtoodii annaggu dowlad baanu nahay, ganacsataddana ma baryeyno, shicibkana ku eegi mayno ee waxbaanu ka qabanaynaa, waxaan leeyahay waar ka daaya ganacsigiina lacagta dollarka oo isticmaala lacagtiina.

Dhamaanteen waa inaynu hareeraha qabanaa oo arrintani maaha mas’uuliyad u taala wasaaradda maaliyadda  oo keliyaata oo waa mas’uuliyad u taala qof kasta oo reer Somaliland ah in la isticmaala lacagteena iyo shillinkeena.”

Somalilandpost.net