Man. City oo qabatay hoggaanka Horyaalka Ingiriiska iyaga oo Kubbad Qurux badan ku dul ciyaaray dhiggooda Man.United + Macalimiinta labada kooxood oo la kala jiiday

SLpost Sports Kooxda Manchester City ayaa tallaabo horumar leh u qaaday rejada ay ka qabto hanashada horyaalka Ingariiska markii ugu horeysay muddo ka badan 40 sannadood ka dib markii ay hal gool iyo waxba ciyaar ay ku sarraysay ku garaacday kooxda Man United oo ay hoggaanka kaga qabteen farqiga goolasha iyadoo labo kulan ay horyaalka ka hadhsan yihiin.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabtay jawi dardar leh, iyadoo labada kooxoodba ay soo bandhigeen baahida ay u qabaan inay guul gaadhaan  kulanka, laakiin Manchester City ayaa inta badan kubadda maamulaysay qeybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan qeybihii ugu danbeeyay.

Weerar badan ka dib, waxay heleen hoggaan ay u qalmeen dhamaadkii qeybtii hore ee  ciyaarta ka dib markii kubbad koone ah oo uu soo qaaday David Silva uu madaxa shabaqa kula hubsaday difaacaha iyo kabtanka City ee Vincent Kompany, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo City ay 1-0 ku hogaamineyso.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ka sii kululaatay sidii qeybtii hore iyadoo labada kooxoodba ay raadinayeen fursaddii ay u baahaanyeen, waxaana badhtamihii qeybta labaad ay ciyaarta noqotay mid awood ku dhisan, waxaana uu garsooruhu bixinayay kaadhadh Huruud ah.

Kuleylka iyo culayska ciyaarta ee la isku hayey awgeed ayaa sababay inay isku dhacaann tababare Sir Alex Ferguson iyo Roberto Mancini oo ay kala dhex-galeen gacan-yareyaashooda iyo weliba garsooraha afraad ee ciyaarta ka dib markii De Jong kaadh Huruud ah lagu siiyay siiyey khalad uu ka galay weeraryahanka United ee Welbeck oo daqiiqaddii 58aad ciyaarta soo galay isagoo beddelay xiddigga Kuuriya u dhashay ee Park.

Dhamaadkii ciyaarta City ayaa cadaadis saareysay United si ay u helaan goolkii ciyaarta hurdada u diri lahaa, iyadoo Aguero iyo Nasri ay fursado dahabi ah iska Khasaariyeen.

Balse City ayaa ku dhameysatay natiijadii ay u baahnaayeen waxaana haatan horyaalka uu ku jiraa gacmahooda; waa hadii ay badiyaan labada kulan ee ay u hadhay oo la ciyaarayaan kooxaha New Castle oo ay gurigooda ku booqanayaan 6-da May iyo kooxda QPR oo 13-ka May marti ugu noqonaysa gegida Etihat Stadium, waxaana ay qarka u saaran yihiin in markii ugu horeysay tan iyo 1968kii loo caleemo saaro koobka Horyaalka Ingiriiska.

Dhanka kale,  United waxa ay 6-da May garoonkeeda ku marti-gelinaysaa kooxda Swansea City, halka kulanka ugu dambeeya ay 13-may gurigeeda ku booqanayso kooxda Sunderland.

SLpost Sports/Hargeysa

sports@somalilandpost.net