Malleeshiyaadka Xuutiyiinta oo Ciidamada Dawladda Yemen kala wareegay Qaybo badan oo Caasimadda Sanca ah iyo wada-hadallo UN-ku ka dhex-bilowday

Sanca (SLpost)- Dagaal magaalada Sanca ee Caasimadda Yemen ku dhexmaraya Ciidamada Dawladda iyo Malleeshiyaadka Shiicada ah ee Xuutiyiinta, ayaa maalintiisii afraad galay, ka dib markii ay burburtay heshiis xabbad-joojin ah oo labada dhinac dhexmaray todobaadkii hore.

Qaraxyo xooggan, ayaa shalay gelinkii hore laga maqlay agagaarka Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku taala Woqooyiga magaalada Sanca maalin ka dib markii ay dagaalyahannada Shiicada ah oo gacanta ku dhigay qaybo ka tirsan caasimaddu ay duqayn u geysteen xarunta telefishanka Dawladda.

YEMEN“Dagaalku saacad-saacad buu u sii ballaadhanayaa, dagaalyahannada maleeshiyadaha Xuutiyiintuna waxay ku sii siqayaan gudaha magaalada, gaar ahaan meelaha muhiimka ah ee xarumaha dawladda iyo goobaha ganacsi ku yaallaan,” sidaa waxa telefishanka Al-Jazeera oo aanu warkan ka soo xigannay u sheegay Khaled Hammadi oo ah wariye ka hawl-gala magaalada Sanca.

Suxufigani waxa uu sheegay in dagaalka shalay dhexmaray malleeshiyaadka iyo ciidamada dawladdu uu ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca caasimadda Yemen tan iyo markii dagaalku bilaabmay maalintii Khamiista ee todobaadkii hore. Waxa uu sheegay in magaalada Sanca lagu dilay dagaalyahanno badan oo Xuutiyiin ah.

Ugu yaraan 123 ka tirsan dagaalyahannada malleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayaa lagu dilay magaalada Sanca saddexdii maalmood ee u dambeeyey, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AP.

Kumanaan ka tirsan dadka Xuutiyiinta ah, ayaa muddo ah bannaan-baxyo ka dhigayey magaalada Sanca iyaga oo xidhay xarumaha dawladda iyo waddada isku xidha magaalada iyo Garoonka diyaaradaha.

Maalintii Jimcaha waxa burburay dhex-dhexaadin Qaramada Midoobay ka dhex-wadday dawladda iyo dagaalyahannada Xuutiyiinta oo dalbanaya in la dhiso dawlad-wadaag ah inay awood ku yeeshaan hay’adaha dawladda.

Magaalada Caasimadda ah ee Sanca, ayaa u qaybsan laba qaybood oo dhinac ka mid ah ay deggen yihiin Muslimiinta Sunniyiinta ah halka qaybta kale ay deggen yihiin Muslimiinta Shiicada ah ee Xuutiyiinta.

Dadka Xuutiyiinta ah, ayaa ku nool inta badan Woqooyiga dalka Yemen, laga bilaabo caasimadda Sanca ilaa magaalada Xuduudka Sucuudiga ku taala ee Sa’ada.

“Haddii Suniyiinta taageeraan dawladda oo dagaalka ku biiran, waxa si toos ah dagalka uga bilaabmay dagaal sokeeye. Ma jiraan wax ka dhexeeya nabad ama dagaal,” sidaa waxa yidhi wariye ka tirsan telefishanka Al-Jazeera oo sharraxay saamaynta dagaalka oo sii socdaa ku keeni dalka Yemen.

Dawladda Yemen, ayaa hore u shaacisay qorshe ay ku abuuraso nidaam dawladeed Federaal ah oo ka kooban Lix gobol, haseyeeshee waxa qorshahaas ka soo horjeestay Xuutiyiinta oo ku abtirsada Mad-habta Shiicada ee loo yaqaano Sayidiinta iyo gobollada gooni-u-goosadka doonaya ee Koonfurta dalka Yemen.

Waddanka Yemen, marka laga yimaaddo dawladda, waxa jira awoodo milatari iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo rabitaankoodu ujeeddooyin is-khilaafsan xambaarsan. Waxay isugu jiraan Kooxo-diimeedyo iska horjeeda oo qaarkood taageersan yihiin dawladda, Koox gooni-u-goosato ah iyo

Maxay yihiin Kooxaha Isku haysta Awoodda dalka?

– Xuutiyiin: Waa koox Shiico ah oo sidoo kale loo yaqaano Ansarullah, kuwaas oo dagaal kula jirtay dawladda Yemen ilaa sannadkii 2004-tii. Waxa ay dalbanayaan in la sameeyo dawlad wadaag ah oo ay awood siyaasadeed ku leeyihiin, waxaanay doonayaan in dhul laga siiyo deegaamada xeebaha ku teedsan si ay fursad ugu helaan ka-faa’idaysiga kheyraadka badda. Waxa ay awood ku leeyihiin isla markaana gacanta ku jira magaalooyinka Sa’ada, Al-jawf iyo degmada Jeraf ee magaalada Sanca.

– Kooxda labaad ee awoodda milatari kuleh dalka Yemen, waxa lagu magacaabaa Al-Islah oo ah koox-diimeed taageero ka hela malleeshyo beeleedyada hubaysan ee shacabka sunniyiinta ah, waxaanay caan ku yihiin inay taageeraan Ciidamada iyo dawladda. Waana Xisbi ay kooxda Xuutiyiintu u arkaan inay cadowgooda yihiin.

Al-Qaacidada Gacanka Carabta: Waa koox ka samaysantay Urur-weynaha Al-qaacida oo mar kaliya ka soo dhex-baxday dalalka Yemen iyo Sucuudiga. Waxay gacanta ku dhigeen dhul badan oo ku yaala Koonfurta iyo Koonfur-bariga dalkaas ka dib kacdoonkii lagu riday madaxweynihii hore sannadkii 2011. Waxay dagaallo xooggan la galaan ciidamada dawladda, waxaanay ku xoog-badan yihiin magaalooyinka Shabwah, Abyan iyo Xadramuud.

– Dhaq-dhaqaaqa Gooni-u-goosatada Koonfurta: Waa Dallad ay ku bahoobeen kooxo doonaya in Koonfurtu ka madax-bannaanaato Woqooyi isla markaana ay soo celiyaan dalkii hore ee la odhan jiray Koonfurta Yemen oo jiray ilaa 1990-kii ka hor intii aanay isku biirin Woqooyiga iyo Koonfurta Yemen oo ahaa la waddan oo kala madax-bannaan.