Malleeshiyaad ka soo goostay Maamul-goboleedka Puntland oo Gudaha Somaliland soo galay iyo wada-hadallo u socda Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Xukumadda Somaliland ayaa la sheegay inay wada hadal toos la furtay Malleeshiyaad hore uga tirsanaa maamul-goboleedka Puntland oo tiradooda lagu qiyaasay 17 askari, kuwaas oo sida la sheegay wata gaadiid dagaal oo gaadhaya 7  tikniko ah iyo hub culus.

Ciidankan oo in badan ka mid ahaa mamulk puntland aay horaantii bishan so gaadhay deegaank Buuraan ee bariga sanaag,halkas oo ay fadhiisin ka samaysteen.

Waxaana ciidanka hogaminaya sarkaal lagu magacaabo Gen Muuse,waxaana wararku tibaaxayaan in xukumadda Somaliland ay wada hadal la furtay sarkaalka wata ciidankan oo sida la sheegay khilaaf xooggani kala dhex-galay maamulka Puntland.

Masuuliyiinta deegaanka Buuraan aya wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyay in ciidamadaaasi ay wali ku sugan yihiin meel u dhaw deegaanka Buuraan halkas oo ay fadhiisin ka samaysteen,balse taliyaha ciidankaasi wataa uu soo gaadhay magaalada ceerigaabo isag oo dhawaan wasiiro ka socda maamulka puntland oo u socday ergo ahan u sheegay inaanu ku noqonayn maamulkaas.

Ilaaa hada lama garanayo halka uu marayo wada hadaladii u socday xukumadda Somaliland iyo sarkaalka watay ciidanka, balse xukuumadda somaliland ayaa la filayaaa inay sida ugu dhakhsaha badan u qaramayso ciidamadan.