MALI: Dablay Qabsatay Huteel Kuwa Lagu Raaxaysto ah

Bamako (SLpost) – Dablay hubaysan ayaa  qabsatay Hotel caan ah oo ku yaala badhtamaha caasimada Mali ee Bamako. Dablayda ayaa galay hotelka galinkii hore ee Jimcaha, iyagoo laayay dhammaan ilaalada Hotelka. Waxa ilaa imika lagu soo waramayaa in ay saddex qof dhinteen

 

Goob joogeyaal ayaa saxaafadda u sheegay in ragga oo baabuur taarikada safaaradda leh wataa soo galeen hotelka Radisson Blu Hotel kadibna rasaas fureen. Waxay sidaasi kula wareegeen hotelka oo mulkiilihiisu sheegay inay gacanta ku dhigeen 140 oo hotelka ku sugnaa iyo 30 shaqaalaha hotelka ah.

 

 

Ciidamada Mali oo hotelka isku xeeray ayaa la sheegayaa inay hotelka galeen islamarkaana noocyada rasaasta laga maqlayo hotelka gudihiisa. Lama oga tirada dhabta ah ee dablayda weerarka gaysatay, balse qiyaas ah 10 ayaa lagu waramayaa inay ilaa dabaqa 7-aad rasaas ka soo ridayaan.

 

Ilaa hadda lama oga cidda weerarka ka dambeysa. Inta la ogyahay Dadka la haysteyaasha ah waxaa ka mid ah 20 Hindiya u dhashay, 7 Chiness ah, shaqaale diyaaradeed oo Turki ah iyo muwaadiniin Faransiis ah.

 

Warar ay imika Somalilandpost ka soo xigatay Wakaaladda wararka ee rueters ayaa sheegaya in la sii daayey 80 ka mid ah dadkii hudheelka ku jiray. Xaga ilaa imikana dablaydu gudaha ugu jirto hotelka. “Wali weeraryahanadu waxa ay ku jiraan gudaha, oo aannu ilaa imika ka maqlayo xabad” ayuu qof goobjoogi ahi u sheegay wakaaladda wararka ee rueters.