Malaysia Oo Ka Hadashay Burbur Diyaaradeed Oo Laga Helay Jasiirad Fog

Kuala Lumpur, (SLpost)-  Ra’iisal wasaaraha Malaysia ayaa sheegay in burburka diyaarad laga helay meel fog oo ka tirsan jasiiradda Reunion ee badda Indian Ocean, ay suuro-gal tahay inay qayb ka tahay Boeing 777.Malaysian Airline]

Ra’iisul wasaare Najib Razak ayaa qoraal ku sheegay in hadhaaga, loo maleynayo inuu yahay qeyb ka mid ah garabka diyaaradda, loo diri doono Toulouse si loogu sameeyo baadhis dheeri ah oo lagu ogaanayo inay tahay diyaaradii la waayay ee Malaysian Airline ee duulimaadkeedu ahaa MH-370.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 239 rakaab ah ayaa la waayay sanad ka hor . Dawladda Australia ayaa ku tilmaantay helista burburka diyaaradeed inuu yahay muhiimad soo baxday.

Qeyb kasta oo diyaaradda ka mid ah ayaa leh tiro taxane ah oo lagu ogaan karo. Dadaalka baadhista ayaa xoogga lagu saaray dhul lix kun oo kiilomitir ee bariga Reunion, waxayna khubaradu sheegayaan in burburka uu halkaas ka yimi.