Malaysia Oo ay Ka Socdaan Mudaharaadyo Lagu Dalbanaayo Inuu Is Casilo Raysalwasaaraha Dalkaasi

 

Malaysia(SLpost)-Tobanaan kun oo Malaysian ah aya la filayaa in ay maalintii labaad mudaaharaad ka dhigaan magaalada Kuala Lumbur, iyaga oo ku baaqaya in uu is casilo rai’sal wasaare Najib Razak.

Mudaaharaadkani wuxuu la xiriiraa fadeexad musuqmaasuq.

Sabtidii booliis badaan ayaa wadooyinka joogay iyaga oo sharci daro ku tilmaamay dibad badax balse taasi ma aysan baajinin dadkii badnaa ee isu soo baxay.

Dibad baxayaasha waxaa ka caraysiiyay 700 milyan oo doolar oo soo gashay Razak loona soo mariyay bangiga taas oo uu ka helay deeq bixiyeyaal caalami ah oo aan la shaacinin.

Wuxuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna sheegay in dadkaasi mudaaharaadaya ay xumaynayaan sawirka Malaysia.

Booliisku waxay ku qiyaaseen dadka mudaaharaadka ka qaybgalay 25,000 balse qolyaha abaabulay waxay ku sheegeen 200,000.

Rai’sal wasaairihii hore Mahathir Maxamad yaa si layaab leh uga soo muuqday mudaaharaadka galinkii dambe ee sabtida, dadka oo u sacabaynaya ayuuna u sheegay in ay sii wadaan mudaaharaadka wuxuuna taageeray in uu is casilo Najib.