Malaysia: Booliska oo qabtay Nin Soomaali oo la sheegay in uu ka tirsan yahay al-Shabaab

Malaysia (SLPOST) Booliska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin Soomaali oo ay ku tilmaameen in uu ka tirsan yahay Ururka xagjirka ah ee al-Shabaab.


shabaabterrorist090514-1

Ninkan oo aan  shaacin magaciisa balse da’adiisu ku sheegeen 34-sano ayaa laga qabtay shalay (khamiis) magaalo ku taalla duleedka caasimadda Kuala Lumpur ee la yidhaahdo Selangor.

 

Mid kamid ah wargeysyada ugu caansan dalka Malaysia oo daabacay warbixintan oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Booliska ayay ku sheegeen ninkan in ay raadinayaan Booliska adduunka ee Interpol, isla markaana loo haysto kiisas la xidhiidha argagixiisnimo.

 

Waxaana sidoo kale loo haysta in uu ku lug lahaa howlo argagixiisnimo oo  ka dhacay Bariga Afrika.

 

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka tirsan kooxda al-Shabaab ay si dhuumaleysi kusoo galaan wadanka iyagoo iska dhigaaya arday iyo dalxiisayaal.

 

Taliye kuxigeenka Booliska Datuk Seri Maxamed Bin Bakri ayaa wacad ku maray in ay sidoo kale gacanta kusoo dhigi doonaan xubnaha kale ee al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yihin gudaha wadanka.

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland