Malala Yousufzai Oo U Dabaal-Degtay Qaan-Gaadhnimadeeda

Malala Yousufzai, oo ah qofka ugu da’da yar ee ku guulaystay abaal-marinta Nobel Prize ayaa u daabal-degtay 18 sano guuradii ka soo wareegtay dhalashadeeda.Malala

Waxay furtay iskuul ay ugu talo-gashay qaxootniga Syria.

Waxay caan ku noqotay dedaalka ay ugu jirto waxbasrahada gabdhaha kadib markii ay ka badbaaday weerar ay Taalibaanka ku qaadeen.

Malala waxay doorbiday in qaan-gaadhnimadeeda ay ku billawdo furitaanka iskuulkii ugu horreeyay ee uu maalgaliyo sanduuq magaceeda ku diwaangashan.

Waxay ku eedaysay waddamada gobolka inay ku guul-daraysteen in ay wax ka qabtaan xaaladda qaxoontiga Suuriya.

Ololaheedu waxa uu hadda ku qotamaa sidii ay hogaamiyeyaasha dunida ugu qancin lahayd inay maalgeliyaan waxbarashada bedelkii hubka.