Malaayiin dollar oo laga dhacay garoonka diyaaradaha ee Johannesburg

Ciidamo ku sugan garoonka Johannesburg

Hargeysa(SLpost) Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in burcad hubaysan oo ku soo labistay dharka booliiska ay dhac ka gaysteen garoonka caalamiga ah ee Johannesburg.

Burcadda ayaa la sheegay in ay dhaceen lacago badan oo ku jirtay Konteenar.

Qiyaasta laga bixinayo lacagaha la qaatay ayaa kala duwan balse wararka ayaa sheegaya in malaayiin doolar oo laga leeyahay dalal kala duwan ay suuragal tahay in la dhacay.

Shirkadda maamusho garoonka OR Tambo, oo ah garoonka ugu mashquulka badan Koonfur Afrika, ayaa xaqiijiysay in la dhacay lacag badan.

“Ma jirto wax rasaas ah oo la riday mana jiro wax dhaawac ah oo la soo sheegay. Burcada way carareen,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkada Koonfur Africa u qaabilsan garoomada diyaaradaha.

Waxaa la rumeysan yahay in raggaasi ay u fududaatay inay garaan qeyb aan la ogoleyn in loo gudbo oo garoonka dhexdiisa ah.

Waxay ka dib dheceen ilaaladii gaarka ahayd ee gaariga la socotay, waxayna kexeystee gaariga lacagta ay saarneyd.

Booliiska sida gaarka u tababaran ayaa diiday in ay wax faahfaahin bixiyaan weerarka burcadda ay ku qaadeen garoonka.

Afhayeen u hadashay booliiska, oo lagu magacaabo Athlenda Mathe, oo la hadashay idaacada ENCA ayaa sheegtay in aysan wax faahfaahin ka bixin Karin inta ay dhan tahay lagaha la dhacay.

Ilaalo ka tirsan shirkad si gaar ah loo leeyahay oo ilaalinayay lacagta gaariga lagu waday ayaa waxa ‘joojiyay burcadda oo watay gaari leh calaamada booliiska” waxaa sidaasi sheegay ciidamada amniga.

Garoonka diyaaradaha ayaa hadda si caadi ah u shaqeynaya, mana jirto rakaab ay saameysay arrinta dhaca.

Booliska qaar waxay aaminsan yihiin in arrinta ay tahay wax la isla ogaa oo gudaha laga abaabulay.

Waxaa mudooyiinkii ugu danbeeyay ku soo badanayay garoonka dhaca loo gaysanayo alaabta qaaliga ah ee garoomada laga dhoofiyo