Makiinnadaha Wax Minguuriya iyo Adeegyadooda – W/Q: Ceelaabe

Sannado ka hor Habka waxbarashadu wuxuu ku saleysnaa Mid gabi ahaan Samuurada laga qorto,Wuxuu ahaa Mid casharo iyo Buugaag kooban leh lagu dhameyn karo Qoraal samuuradeed iyo Qorida ardeyda.Lama Aqoon in warqado badan la qaato ama Buugaag daabacan ardey kastaa goonidiisa u helo.Qof kastaa buug Fartiisu ku qoran tahay Ayuu sidan Jirey.8 ama 7 Buug oo Fartiisa ah Ayuu wax ku dhigan Jirey,Wey adkeyd sida lagu heli jirey buug daabacan oo ah Mid La xidhiidha Maadooyinka la dhiganaayo,Dadka lagu ogaado ama arko iyaga oo heysta Buug daabacan waa lala xidhiidhi jirey laguna Dhawaan Jirey.Farta Ardeyda Ayaa aheyd mid Dhinaca quruxda iyo Qaabka ku socotay mar haddii wax kasta la Qoraayo.

Isbedelada Dhinaca waxbarashada ku Dhacey Waxa ka mid ah in la soo Kordhiyey Maadooyin iyo Cilmiyo badan oo aan waayadii hore la heli Jirin,In Tirada buugaagta iyo Manaahijta wax laga Dhigto oo daabacan la Keeno iyo in Sidoo kale Jaamacado badan oo waxbarasho kala duwan Bixinaya wadanka laga furo.Ardeygiibaa Mashquul galay,Ardeygiibaa 6 ama 7 Buug oo kala duwan loo Dhiibey ama loo Sheegay,Ardeygiiba laga Joojiyey meelo badan in Samuurada wax loogu dhigo looguna badalay in la Isticmaaalo buugaag daabacan oo la Akhriyo ama Macneeyo iyo Adeegsiga Projector daawasho ku baxaya.Ardeygiibaa isna Faraha ka qaaday kana Caajisey Qorida iyo Qalinkii badnaa oo qaatey Nuqulada Warqado badan oo Loo sawirey ama Buugaag la siiyey.Dad badan Ayaaba Fartii ku ilaawey Markii laga wareegay Qoridii samuurada loona Diga rogtey Isticmaalka warqado daabacan oo Keliya raba in la Akhriyo.

photocopierWaa Maxey Haddaba Dhibta iyo Dheefta Photocopygu ku soo Kordhiyey Waxbarashada Somaliland. Kaalin Intee leeg Ayuuse kaga Jiraa Photocopygu Dugsiyada iyo Xarumaha Waxbarashada.Akhriste Waxaan Baadhey Taariikhdii Photocopyga iyo Sida lagu sameeyey ama Qofkii Sameeyey.Waxaan ku Qorey Google.com History of Photocopy iyo Advantage and Disadvantage of Photocopy Markaa si aad u hesho Goortii la soo saarey,iyo Marxaladaha kala duwan ee uu soo Marey ama Kaalinta iyo saameynta uu Aduunyada ku Yeeshay Fadlan booqo Shebekada baadhida cilmiyada oo ku qor intaasi aan ku sheegay.

Hargeisa Shaqo badan Ayaa ku socota Adeegsiga Photocopyga.Warqado aan Asalkii hore aheyn oo nuqul ama sawir ah ayaa laga roganayaa Buugaag daabacan.Makiinadaha nuqul sameynta ama sawirida nuqul koobi oo Minguuriya Qoraalada Ayaana si ganacsi loo Furtey looguna Shaqeystaa.Makiinada wax lagu kala rogto waa mid ka mid ah wakhtigan Ganacsiyada ugu xoogan ee dad badani ay ku Jiraan ama ku Hamiyaan.Photocopy Canon Weeyaan Waxaana Jira Noocyo kala duwan 2318,Waxa lagu iibsadaa inta u dhaxeysa 1,000 ilaa 1200$,2016…….900$,Waxa kale oo Jira 2018.Makiinadahan Photocopyga ee wax lagu koobi saaro Haddii ciladi ku timaado ama ay Xumadaan waxa Jira Nin qudha oo Magaalada Yaqaana looguna Yeedho oo aan magaciisa u Maqley Abdirahmaan Bingo.Qof kale oo Cilad saarida Noocyada kala duwan ee Makiinadahana wax roga la iigu sheegay ma maqal.

Wakhtiga aan Xafiiska Joogo Ayaan muddo hore la kulmi Jirey iyada oo Mushiinka Koobigu xumaado,Khadka dhamaadey,Dabkaan Jirin,Waa Qafiif lama Arkaayo.Wuu Xun yahay oo Paper Jam gudaha ah ayaa heysta wuxuu soo Qorayaa Numbero aan la garaneynin Ayaan Maqli Jirey marar badan.Ur badan Ayuu soo saarayaa,Jabaq iyo Qeylo badan Ayuu sameynayaa marka uu wax Rogaayo mararka qaarkood.5 Sanno in uu Shaqeyn doono Ayaan Maqley.Tirada warqadaha Khadkiiba laga heli karo Ayaa la iigu sheegay ku Dhawaad 5,000 oo warqadood.Qiimaha Khadkiisa ayaa ah 30$.Tirada warqadaha halkii Mnt uu sawiro ayaa ah 26 Page.Qiimaha qofka laga qaado oo ku xidhan hadba inta ay leeg tahay tirada buugaagta uu rabo ama Xaashiyuhu ayaa ah mid boqol iyo konton Shilin,laba boqol oo Shilin ama ugu badnaan shan boqol oo Shilin.Cheapest in Town.Makiinadana Second Hand waxaad ku Heleysaa 600 ku dhowaad.

Qof aan u baahneyn ama ku xidhneyn gaar ahaan dadka Aqoonta leh wuu Yar yahay meel Koobi.Qof aan warqad iyo Buug sidan ama Sawir iyo Nuqul rabin wakhtigan wuu Yar yahay.Haddaba Tartanka ugu xooga badan Ayaa ah mid dhex socda Koobiyada ama Bookshops yar yar ku dhinac Yaala Jaamacadaha,Haddaad booqato Jaamacadaha waxa aad ugu tageysaa Safaf dhaadheer oo ay taxan yihiin Meherado sandaqado u badan oo ah Koobi.Maaha mid qudha waa Dhamaantood,Waa shaqo hase ahaate waa Mid tartan iyo Dedaal dheeraad ah u baahan.Ku dhawaad 4000 Ardey Ayaa siyaabo kala duwan loogu diyaarinayaa Koobiyo la xidhiidha Casharada iyo Maadooyinkooda.Mararka qaar Buugaag 1,000 Xashiyadood ah Ayaa la rogayaa.Waa qof taagan iyo Mushiin markasta guuuxaya oo aan la bakhtiinba.

Waxa Qof taagan,Waxa qof wax loo Qoraayo sugaya,Midka daabacad Flash wata,Midka iibsanaya Nuqulada koobiga Maadada uu rabo,Midka iibsanaya Agabka waxbarashada Sida Envelop,Qalin iwm Ayaad Arkeysaa.Ganacsi la iskaga daydo,Ganacsi la iska hor furo,Shaqo laga Raadiyo lacag badan Ayuu Noqdey Photocopy.Waxaana Jira Photocopyo caan ka ah Jaamacadaha oo la wada Yaqaano wakhti dheerna ka furnaa Halkaasi iyo kuwo cusub oo wakhtigan ku soo biirey lagana dhisey.Kuwo daar ku Jira,Sandaqad ama Siliig intaba waa la shaqeynayaa.

Suuqyada mararka qaar ma heleysid Fursad aad ku rogato warqad iyaga oo wada Mashquul ah ama buugaag badan la rogaayo.Macalin aan ku fekireyn in uu sameeyo Nuqul cashar oo buug ah lana soo koobiyeystaa wuu yaryahay.Qorida samuurad lagagama wada gaadhsiin karo Casharada badan ee wakhtigan la dhigto.Buuq iyo saxmad ayaa ka taagan xitaa kuwa suuqa ka hawlgala.Meelkasta oo aad tagtana waxa lagaa soo siinayaa buug koobi ah oo ay tahay in aad iibsato kuna iibsato qiimaha u dhaxeeya 1$ ilaa 10$ oo mararka qaar qasab ah.Waa la kala shaqeysanayaa.Buugaagtii Ganacsiga,Caafimaadka,Dhaqaalaha,Engineerka,Luqadaha,Science,Islamiga,Computers,aqoonta Guud,Imtixaanadii,Shaqo guridii,Cvgii,Codsiyadii,Warqadihii iyo Heshiisyadii ganacsi ama Invoicekii Ayaa dhamaan wada Maraya koobi iyo Minguurin cusub oo la kala qaato.

Dhalinyar computer office Application si fiican u taqaana oo Sameyn karta Nashqado iyo Covers,Dhinaca kalena gacan furan oo si degdeg ah u wada Hawlaha Koobiyada Ayaa jooga kana hawlgala badi Meheradaha Makiinadaha wax minguuriya.Waxa ay Noqotey shaqo oo dhalinyar ayaa camal ka raadiya.Waa shaqo adag,waa shaqo wakhti badan qaadaneysa.Bal qiyaas markaad sameyneyso 300 oo qof Buugaagtood midkastana yahay 50 page lagaana raba 2 cisho gudahood.Waa dhalinyar is badasha oo Habeen iyo maalinba shaqada ku Jirta,Qaarkoodna ka shaqeeya Maqsino iyo Meherado loo Kireystey in wax lagu daabaco oo meelo gaar ah ku Yaala.2 ama 3 Photocopy Ayaana dhexyaala inta badan Meheradaha ku Shaqeeya Shaqadani.

Waxaan Wax ka weydiiyey Mid ka mid ah Mulkiile leh Meherad uu Yaalo Photocopy ah Nooca Canon.Waa Meherad ah Internet Islamarkaasina dhinaca kalena leh Makiinadahan wax lagu Sawiro.Goobaha inta badan laga Helo Ayaana Internetku ka mid yahay oo Daabacad iyo sawiro badan ka socdaan.Maktabadaha Magaalada ku yaala,Bookshops Suuqyada,Meherado gaar ah oo loo Furtey Sawirada iyo Badinta Nuqulada,Xafiisyada gaarka ah,Kuwa dawlada,Kuwa Haayadaha caalamiga aha ama Ngos,Dugsiyada gaark ah ee Suuqa ka furan.Dugsiyada waxbarashada sare iyo Jaamacadaha ayaa ugu badan meelaha aan laga waayin inta badana shaqo badani ugu socoto Isticmaalida Photocopyga.Dadka ugu badan ee Photocopyga ka faa,ideyna waa Bulsho weynta waxbarashada ku Jirta oo hela Buugaag iyo Nuqulo diyaar ah isla markaasina Jaban.

Isku soo wada duub Photocopy Shaqadiisa iyo Furashadii u daa Jaamacadaha,Suuqyada iyo Maktabadahana u daa dadka Suuqa iyo Hawlaha gaarka ah inta badan la yimaada.Waxase is weydiin leh marka 1200$ lagu soo iibsado muddo intee leeg Ayuu lacagtii ku soo celinayaa ama  Faa,ido lagaga helayaa.Mushahar intee Leeg Ayaase la siiyaa Dhalinyarta warqadaha rogta ee u shaqeysa.Wuxuu Yidhi waxaan Furey Photocopy aan ka sameeyey Jaamacad gaar loo leeyahay Agteeda,Ardeyduna wey soo badaneysaa Maraan arkey ayuu sidaasi igu Yidhi.A3,A4.Waa Black and White.Lkn with color and  Scanning waa Qaali 1$.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com