Waa gabay aan ugu talo galay munaasibada sanad guurada 22 aad ee 18 ka may
Waa maalin gabaygaan marshaa maangal uu yahay
Waa maalin tixihii mudhnaa maamka qorayaane
Waa maalin maamuus lahoo laga mabsuudaaye
Waa maalin maankiyo qalbigu maansha uu yahaye
Waa maalin magaceena guud muuqday laba jeere
Waa maalin maamuus hanliyo mahadho taariikhe
Waa maalin cadawgii maqlaa cadho maleegtaaye
Waa maalin iyo maalin iyo mahadho yaab weyne
Waa maalin iyo maalin ay muustay cadhadiiye
Waa maalin ciid soo gashiyo maanac xumihiiye
Waa maalin muruqii snm maaxday godolkiiye
Waa maalin iyo maalmaheed midow arwaaxeede
Mar mujaahidiintaan ducada mawle uga tuugay
Mar masuulka qarankaan ufuray magan xasuuseedka
Marna magaca qiimaha leh ee dawladnimo muujay
Ayaan mininkan soomaliland meel la dhigayaaye
Afartaa intaan maanta idhi miim ma ka higaadhsay
Macnaa gabaygu kala leeyahee maw makaga siiyey
Afar kalena waa maanta iyo maydan loo kacaye
Farxad baa mabsuudlee in badan mahad ilaahay’e
Waa maalin eraygaygu milay magane taariikhe
Waa maalin iyo maalin iyo maalmo iyo guule
Waa maalintaan maalmo badan uga madiixaaye
Waa maalintaan maalmo galay kor u maleegtaaye
Waa maalintaan awr mugliyo faras maquunshaaye
Milgahaygu samadaa ha maro mawle idankiiye
Cadawgaygu meeshuu fadhiyo murug itaalkiiye
Calankaygu madashuu lulmado maahir sharafeed dheh
Hal abuur: C/Rashiid Khadar Jaamac Qabile
Adress: h-halac@hotmail.com