Magacyada Xubnaha Golaha Wasiirrada ee loo magacaabay Xukuumadda Somalia iyo Saami-qaybsiga Beelaha

Muqdisho (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Soomaaliya  Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), ayaa maanta ku dhawaaqay Gole Wasiirro oo aad u kooban kuwaas oo ka mid noqon doona Xukuumaddiisa.

Xubnaha Wasiirrada ah ee Raysalwasaaraha dalkaasi magacaabay oo tiradoodu dhan tahay 10 Wasiir oo badankoodu ku cusub yihiin siyaasadda, ayaa sagaal ka mid ahi goob-joog ku ahaayeen goobtii lagaga dhawaaqay magacaabistooda, kuwaas oo laba ka mid ahi haween yihiin.

Madashii lagu magacaabay Wasiirradan waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in wasiirradan aan tirada badneyn aanay ahayn kuwo ay rabitaabkooda ku soo xuleen balse ay u arkeen kuwo xilka loo magacaabay gudan kara, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, ”Waxaan leenahay wasiirkii xilka loo magacaabay guta, waa mahadsan tahay dadkaaga iyo dalkaaga ayaanad wax u qabatay, midkii aan waxba qabanna waxaan leenahay naga raalli ahaw.”

Magacyada tobanka Wasiir ee loo magacaabay Xukuumadda cusub ee dalkaasi Somalia iyo Saami-qaybsiga Beelaha

1. Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, (Wasiiirka Wasaaradda Arimaha Debadda ahna Raysal-wasaare ku-xigeen). Dir/Isaaq

2. Cabdilaahi Abyan Nuur (Wasiirka wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta)- Dir/Biyo-maal

3. Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi (Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga)- Raxanweyn/Digil

4. Cabdikariim Xuseen Guuleed (Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka)- Hawiye/H.Gidir

5.Maxamuud Xasan Suleymaan [Cawil] (Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Qorshaynta).- Daarood/Majeerteen

6. Cabdilaahi Ciil-Mooge Xirsi (Wasiirka Warfaafinta, boostada iyo Isgaadhsiinta)- Daarood/Ogaadeen

7. Cabdirisaaq Cumar Maxamed (Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka dalka)- Hawiye/Xawaadle

8. Muxyadiin Maxamed Kaalmooy, (Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska)- Beesha Shanaad/Jareerweyne

9. Maryan Qaasim, (Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada) – Beesha Shanaad/Banaadiri

10. Maxamuud Maxamed Xasan, (Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgeshiga).- Raxanweyn /Mirifle.

Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 7-dii bishii Oktoobar ee sannadkan Raysal-wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), kaas oo 17-kii isla bishaas ka helay Baarlamaanka Soomaaliya kalsooni buuxda oo raysalwasaarenimadiisa lagu ansixiyay, waxaanay ku qaadatay muddo 17 maalmood ah inuu ku soo dhisho xukuumaddii looga fadhiyey, waxaana in badan dib u dhac ku keenay magacaabista golaha wasiirrada khilaaf iyo ismarin-waa dhinaca awoodaha iyo boosaska ay beelaha kala duwan ee Soomaalida ahi ka helayaan dawladda Soomaaliya, iyada oo fekerka xukuumad kooban uu watay madaxweynaha dalkaas oo dhowr jeer ay Raysalwasaarihiisa isku-qabteen tirada golaha wasiirrada oo uu rabay inuu ka dhigo tiro intan ka badan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net